Filimka Force 2 Oo Hoos 78% Ah Sameeyay Todobaadkiisa Labaad Sedexda Maalmood Ee Ugu Horeyso Ganacsigiisa

Bulsha:- John Abraham iyo Sonakshi Sinha filimkooda Force 2 ayaa hoos u dhac 78% sameeyay todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeesay ganacsiga uu sameeyay (Second Weekend).

Filimka Force 2 wuxuu keenay 4 Crore todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso weliba hoos u dhac lixaad ah ayuu ka sameeyay tiyaatarada daqliga wacan laga helo Multiplex madaama uu filimka Dear Zindagi halkaas kala wareegay.

Fadlan hoos kaga bogo ilaa haatan Force 2 ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay:

Todobaadka kowaad – 25.94 Crore

Todobaadka labaad – 4 Crore (mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 29.94 Crore (Trade Figure)

Force 2 sida muuqato cimri ahaantiisa 34 Crore ma dhaafi doono wuxuuna ganacsi ahaan ka yara roonaan doonaa filimada iyagana sanadkaan guul dareesteen Jai Gangaajal iyo A Flying Jatt.
Force 2 waa filim guul dareestay oo Flop ah madaama lagu qarash gareeyay 41 Crore sidaa darteed John Abraham sanadkaan 2016 labo filim oo muhiim ah ayaa ka guul dareesteen marka aan xisaabta ugu darno Rocky Handsome halka filimkiisa kale Dishoom uu isagana Average noqday filim lacagtiisa soo celiyo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment