RASMI: Xilligii La Qorsheeynayey In La Daawado Goos Gooska Raees Oo La Bedelay & Mid Kamid Ah Filimada SRK Oo Todobaadkaan Tiyaatarada Saaran

Bulsha:-  Ugu dambeeyn waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay waqtiga lasoo saaridoono Goo Goos-ka filimka la wada sugayo ee uu SRK hogaamiye ka yahay ee Raees kaasi oo maalmahaan leeys weydiinayey waqtiga tiyaatarada lasaari lahaa.

Filimkaan ayaa waxaa uu loolan kula jiraa filimka ay wadaan Hrithik Roshan iyo aabihiisa ee Kaabil , balse sheekadaas waxaad u maleeysaa in markaan xal laga gaaray maadaama la ogaaday watiga la daawandoono filimka SRK.

Hada laba filim ayaa diyaar u ah SRK inkastoo aan wali laga gabeeyn filimka Raees , hada waxaa uu sidoo kale SRK uu diyaariyey filimka Dear Zindeega oo ay la jileeyso Ali Bhatt.

Waxaa hada socda diyaarina iyo sidoo kale habeeyntii Goos Gooska filimkaan waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyey in tiyaatarda caalamka la saaridoono bisha soo socota ee December.
Filimkaan Raees waxaa la daawandoono sanadka cusub ee soo socda gaar ahaan bisha koowaad , balse waxaa kasoo horeeyey filimka Dear Zindeega oo todobaadkaanba tiyaatarada lasaaridoono ama 25 bishaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment