Bulsha:- Nin 29 sanno jir ah, kaasoo lagu magacaabo Carlos Morales, ayaa daaha ka qaaday inuu lumiyey qeyb ka mid ah noloshiisa.
Carlos Morales ayaa wuxuu sababta ku sheegay inuu waayey gabadhii uu ugu jeclaa dunidaan ka dib markii ay UMUL raacatay iyadoo hal mar dhashay afar mataano ah. Wuxuuna haatan heystaa dhammaan afartaas mataanaha ah weliba kaligiis.
“Waxaa isoo martay maalintii ugu fiicneyd nolosheyda, sababtoo ah afar mataano ah ayey ii dhashay xaaskeygu, subaxdii xigtay waxaa isoo martay maalintii ugu xumeyd nolosheyda sababtoo ah waxaan waayey xaaskeygii aan adduunka ugu jeclaa,” Mr Morales ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda ka dib markii ay dhiigbax u dhimatay xaaskiisii Erica.
Dhammaan afartaas caruurta ah haatan waxaa haya oo hooyo iyo aabe u wadanoqday Carlos Morales, dhammaantoodna waa ay caafimaad qabaan. Wuxuuna caruurtaas ugu wanqalay afartaan magac Carlos Jr, Tracy, Paisley iyo Erica.



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment