CR7 Oo Ugu Dambeyn Qirtay Inuu Yahay Lagaroone Ka Dib Shaki Badan Oo Laga Qabay Jinsigiisa (Daawo Sawiro Fool Xun Oo Laga Qabtay) Waxaa Qoray: admin

Bulsha:- Waxaa jira fikrado adag oo soo jeedinaya in laga yaabo inuu LAGAROONE yahay weeraryahanka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo.

CR7ayaana u muuqda inuu ugu dambeyntii xaqiijiyey inuu yahay LAGAROONE (Homosexual) ka dib markii wareysi lala yeeshay kulankii ay kooxdiisa Los Blancos ay guusha 3-0 ah ka gaartay kooxda Atletico Madrid ciyaartaas oo dhacday Axadii ayuuna seddaxleey dhaliyey Ronaldo.

31 sanno jirkaan ayaa waxay isku dheceen xiddiga qadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Koke kaasoo ku aflagaadeeyey luqadda Isbaanishka wuxuuna ku yiri waxaad tahay LAGAROONE ama qaniis.

Ronaldo oo careysnaa xilligaas ayaana wuxuu ugu jawaabay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain: “Haa, waxaan ahay LAGAROONE, laakiin waxaan ahay LAGAROONE taajir ah.”

Sannadkii 2015kii ayey aheyd markii wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa gobolka Catalonia ee Sport uu caddeeyey inuu LAGAROONE yahay xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Sporting Lisbon iyagoo raaciyey inuu xitaa u galmoodo feeryahanka asal ahaan u dhashay Morocco isla markaana heysta dhalashada dalka Holland ee Badr Hari.


Warbixintaas ayaa soo jeedineysay inuu Ronaldo u duulay dalka Morocco isla markaana uu halkaas ku booqday Badr Hari dhowr jeer weliba hal Isbuuc gudihiis. Waxaana laga shakiyey haddii uu Badr Hari yahay shaqsiga u galmooda Ronlado, oo JEEBGADAAL ah.
Ronaldo ayaa waxay bishii January ee sannadkaan 2016 kala hareen Irina Shayk oo ah gabar ay muddo shan sanno ah wadasocdeen waxaana xusid mudan inuu guursan waayey gabadhaas. Halkaas waxaa kaaga soo baxaya shaki kale. Kuna darso xisaabta inuu Isbuuc kasta aadayo feeryahanka Badr Hari oo ay si qarsooni ah u kulmaan, Badr Hari waa nin ilmo dhalay, halka Ronaldo aysan jirin cid caddeyn u heysa hooyada uu ka dhalay wiilkiisa Cristiano JR.
Daniel Riolo, oo ah wariye si weyn looga garanayo dalka France isla markaana soojeediya barnaamijka Touche Pas A Mon Sport, ayaa wuxuu ku yiri barnaamijkiisa: “Ronaldo Isbuuc kasta wuxuu seddax ama afar jeer u duulaa dalka Morocco si uu usoo arko saaxiibkiis Badr Hari, kaasoo u qaban kara shaqada uu u baahan yahay”.

Si kastaba ha ahaatee, 2010kii ayey aheyd markii uu Ronaldo ku ammaanay dowladda dalkiisa Portugal go’aankii ay ku ogolaatay guurka dhexmara LAGAROONEYAASHA, wuxuu yiri waqtigaas: “Maadaama aan ahay nin u dhashay Portugal, waa inaan ka warqabaa wax kasta oo ka dhacaya dalkeyga.

“Waa inaan ixtiraam u muujinayaa rabitaanka dadka kale, sababtoo ah dhammaanteen waxaan ka simannahay inaan nahay muwaadiniin Portugal ah, waxaana leenahay xuquuq isku mid ah sidoo kale masuuliyad isku mid ah ayaa ina saaran”. Malaha dantiisa ayuu ka arkay go’aankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu bannaanka soo dhigo inuu yahay LAGAROONE ugu dambeyntiina uu qirto marka uu ka fariisto kubadda cagta. Maadaama uusan jirin sharci u ogolaanaya kubadda cagta inay ciyaaraan LAGAROONEYAASHU, kuna darso ciyaaryahan kasta ayaa dhibaateyn kara CR7 markaas, sidoo kale saxaafadda ayaa dabadhigan doonta hadalkaan kasoo yeeray ka dib.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment