40 Sanno Jir Kufsaday Gabar 2 Sanno Jirta Oo Uu Dilay Aabeheed, Maxaase Lagu Ciqaabi Doonaa?

Bulsha:- Nin 40 sanno jir ah ayaa waxaa lagu qabtay isagoo kufsanaya gabar yar oo 2 sanno jir ah. Ninkaan oo lagu magacaabo Yisa Aweda ayaana falkaan dartiis xabsiga loo dhigay.

Dhacdadaani waxay ka dhacday xaafadda Orile ee magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Wararka ayaana sheegaya inuu Aweda dil u geystay gabadhaan aabaheed. Si kastaba ha ahaatee, markii ay boliisku ku qabteen falkaan waxay ku jireen saldhigga Orile Station.

Gabadha lagu magacaabo Mrs Titilola Vivour Adeniyi oo madax u ah kooxda Domestic Violence Response Team ee magaalada Lagos ayaana saxaafadda u akhrisay bayaan ka dhan ah ninkaan, waxayna sheegtay in aan loo dulqaadan karin falkii lagu qabtay 40 sanno jirkaan.

Yisa Aweda ayaa wuxuu gabadhaan laba sanno jirka ah kufsaday 16kii bishaan November , wararkuna waxay sheegayaan in boliisku ay xilli hore kasoo gaareen isla markaana ay haatan caafimaad qabto gabadhaan aadka u yar.
Waxaa la filayaa inuu ciqaab toogasho ah muteysan karo Yisa Aweda maadaama uu toorreey ku dilay gabadhaan aabeheed ka hor inta uusan iyada u hawoon.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment