Rasmi: Saif Ali Khan Filimkiisa Hollywood-ka Ee Asigoo Hindi Ah Dib Loo Sameeyay Xiliga La Daawan Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

Bulsha:- Saif Ali Khan dhawaanahan wuxuu ku mashquulsanaa duubista filimka uu hogaamiyaha ka yahay oo haatan shaqadiisa gabo gabo ku dhow dahay.

Saif wuxuu filimka Chef ee Hollywood-ka ah asigoo Hindi ah sameenayaa weliba wuxuu ka mid yahay soo saarayaasha filimkaan.

Filimka Chef waxaa asigoo Hollywood ah wada jilaan Jon Favreau iyo Robert Downey Jr waana filim siweyn sheekadiisa looga helay.

Filimka Saif hogaamiyaha ka yahay waxaa la xaqiijiyay in la daawan doono 14-ka July 2017 waxaana Director ka ah Raja Krishna Menon oo bilawgii sanadkaan sameeyay filimka Airlift ee Hit-ka weyn noqday.

Saif filimkaan waxaa la jilayaan labada atirisho ee kala ah Padmapriya iyo Sobhita Dhulipala waxaana inta badan filimkan lagu duubay magaalooyinka Kerala, Goa, Delhi, Rajasthan iyo Punjab.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment