RASMI: Labada Atariisho Ee Varuun Dhawan La Jilidoonaan Filimka Judwaa 2 Oo La Shaaciyey

Bulsha:- Waxaa lasoo gaba gabeeyey raadinta hablihii la jililahaa Varuun Dhawan filimka Judwaa 2 waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyey labada atariisho ee filimkaasi kasoo muuqandoonaan.

Jacqueline Fernandez iyo Taapsee Pannu ayaa kasoo muuqandoonaan filimka Judwaa 2 ee Varuun dhawan,waxaana la sheegay in filimkaan uu yahay filim shactaro iyo qosol badan.

Varuun ayaa kamid noqondoona jilaayaasha sida waalida ula qabsadeen Bollywood-ka waxaana jilaagaan uu wadaa dar dar xoogan oo ah inuu filimaan isdaba jooga ah uu sameeyo sanadkii.

Filimkaan waxaa la rajeeynayaa inuu soo baxo bartamaha sanadka cusub ee 2017, waxaana dhawaan la rajeeynayaa duubistiisa inay bilaabato.

@Asli_Jacqueline & @taapsee to star opposite @Varun_dvn x 2 in #Judwaa2! #SajidNadiadwala #DavidDhawan @WardaNadiadwala”

Waa  jilaayaasha kasoo muuqandoonaan filimka kuwaasi oo si rasmi ah loo shaaciyey , waxaan filimkaan Director ka ah David Dhawan waxaana ugu dambeeyn la rajeeynayaa in shaashada caalamka laga daawado 29th September, 2017.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment