Bulsha:- Jilaayaal badan ayaa soo maray Bollywood-ka kuwaasi oo jiilba jiilka ka dambeeya kala wareegay xirfada Bollywood-ka.
Marka la fiiriyo inta badan waxaa ay tahay in dadka ay dhaxal ahaan u sameeyaan xirfadaasi waxaana hada la sugayaa caruur badan oo leeys leeyahay waa ay kusoo biiridoonaan Bollywood-ka , kuwaasi oo hada waalidiin u ah Aktaro caan ah oo Bollywood-ka ka howl-galaan.
Qeeybta koowaad ee sheekadaan ayaan idiin la wadaageynaa kuna saabsan caruurta hada soo kobceysa ee wacdaraha ka sameeynkaraan Bollywood-ka.
Waxaa dhalay Shah Rukh Khan waxaana loo badinayaa inuu kusoo biro Bollywood-ka, laakiin waxaa leeys weydiinayaa ma noqondoonaa sida aabihiisa oo kale Bollywood-ka maka soo bixikaraaa?
Waxaa gabadhaan iyana aabe u ah SRK , inkastoo uu SRK dareen ahaan sheegay inuusan jecleeyn In caruurtiisa uu arko iyagoo jilaayaal ah , hadana kama hor istaagikaro ayuu yiri dookhooda iyo sida ay jecelyihiin.
Gabadhaan aabeheeda waxaa uu Bollywood ka sameeyey wacdaro layaab leh , sidaasi darteeda qof waliba ayaa sugaya daawashada gabadhaan oo la arko inay kusoo biirtay Bollywood-ka.
Waa wiilka ugu weeyn caruurta uu dhalay Amir Khan waxaana wiilkaan laga sugayaa in lagu arko saaxada Bollywood-ka, wacdarana lasoo boxo sida aabihiisa oo kale.’
Waxaa uu inta badan wiilkaan shaabahaa ama uu u qaab egyahay aabihiisa Saif Ali Khan ,balse ma lagayaabaa waxa uu aabihii ka sameeyey Bollywood-ka wax ka daran inuu ka sameeyo?
Waxaa sidoo kale gabadhaan aabe u ah Saif Ali Khan , laakiin doorka hooyadeeda ee Amrita ma qaadandoontaa marka ay kusoo biirto Bollywood-ka.
Waa gabar aad u qurux badan sida hooyadeeda Amrita Singh.
Gabadhaan waxaa ay kasoo jeeda Qooyska Bollywood-ka jiliin ahaan loo daayey waana qooyska Bachchans.
Waxaa awoowe u ah Amitabh Bachchan , waxaana la saadaalinayaa inay noqondoonta gabar wacdaro ka sameeysa Bollywood-ka.
Waa wiilka uu dhalay Sunill Shetty ama Balwan sida ay soomaalida u taqaan, waxaana wiilkaan uu kasoo jeeda aabe Bollywood-ka awoodiisa kumara jiray sidoo kalena sameeyey filimaan aad loo jecleeystay.
Meel waliba ayaad ka qiimeeynkartaa Karan Doel , maxaa yeelay waa sida aabihiisa oo kale , waxaana uu aad ugu ekyahay Sunny Doel.
Waxaa uu Karan Doel ahaa caawiyaha aabihiisa Filimkii Yamla Pagla Deewana 2.
Dagaalka aabihiisa waa la arkeeyee muxuu soo wada isagana Karan Doel?
Govinda Yare , maxa waxaa uu damacsanyahay inuu sida aabihiisa oo kale lasoo boxo dhanka Majaajilada , waxaana ay soomaalida ula baxdaa Aabihiisa ‘’Niikiyoow’’.
Qeeybta Labaad Waxaa Kasoo Muuqandoonaan Wiilasha Ay Kala Dhaleen , Akshey Kumar, Jakie Shroff Gabadhiisa, Shahid Kapoor Walaalkiisa Iyo Kuwa Kale,,,,

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment