Rasmi: Filimka Force 2 Iyo Todobaadka Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bulsha:- Filimka Force 2 Flop ayuu Boxoffice-ka ka noqady sidoo 5-sano ka hor qaybta kowaad ee filimkaan Force Flop u noqday oo kale!!!

Filimka Force 2 todobaadka kowaad wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 26 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo ay kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Todobaadka kowaad filimka Force 2 lacagaha uu keenay wuxuu la mid yahay filimkii Force qaybta kowaad cimri ahaantiisa lacagaha uu keenay sanadii 2011.

Waxaa muuqato in John Abraham iyo Sonakshi Sinha sanadkaan sanad wanaagsan u ahayn madaama min labo filim ka guul dareesteen John waxaa ka dhaceen (Rocky Handsome iyo Force 2) balse Dishoom ayaa u noqday filim bad baaday Average halka Sonkashi ay ka guul dareesteen (Akira iyo Force 2).

Cimri ahaantiisa Force 2 wuxuu ku istaagi doona 30 Crore waana lacag uusan u qalmin filimkaan madaama 41 Crore lagu qarash gareeyay waana Flop.
Dhinaca kale filimka Tum Bin 2 isagana wuxuu noqday mid fashilmay oo guul dareestay wuxuuna todobaadkiisa kowaad keenay 3.50 Crore sidoo kalena tiyaatarada waa laga dajiyay waana filim guul dareestay madaama lagu qarash gareeyay 15 Crore.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment