Good News: Filimka Dear Zindagi Oo Gudaha Hindiya Subaxdaan Kaga Furmay Si Wanaagsan

Bulsha:- Filimka Dear Zindagi ayaa ku furmay 40% ilaa 45% sida ay shabakada Boxoffice India xaqiijisay wuxuuna ku furmay habka loo yaqaan (Good Opening).

Filimka Dear Zindagi waxaa la saaray qiyaas ahaan 800 tiyaatar sababta tiyaatarada loo yareeyay waxay tahay qorshe ku aadan in filimkan magaalooyinka waa weyn loogu tala galay sare loo qaado tiyaataradiisa maal maha sabtiga iyo axada marka ay dadka tiyaatarada usoo daawasho tagaan.

Waxaad moodaa Dear Zindagi kooxda iska leh siyaasada ay adeegsadeen inay siweyn ugu hirgashay waayo filim 800 tiyaatar la saaray in 40% ilaa 45% ku furmo waa arin wanaagsan midaas oo ka dhigan in filimkaan siweyn loogu soo daawasho tagay subaxdii hore ee xiliga Hindiya.

Dear Zindagi inuu si wanaagsan ku bilaawdo waxaa sabab u ah Shah Rukh Khan oo shacbiyad balaaran magaalooyinka waa weyn ku leh (The Shahrukh Khan factor has worked for the film to give it a good starting point).

Xitaa meelaha qaar filimka Dear Zindagi wuxuu kaga bilaabasho wanaagsan yahay filimka Fan ee SRK bilawgii sanadkaan sameeyay ee uu atoore kowaad ka ahaa halka Dear Zindagi uu caawiye ka yahay.

Dear Zindagi waxaa loo suuq geeyay inuu yahay filim SRK min bilaaw ilaa dhamaad ku jiro waana sababta keentay in filimkaan iska yar siweyn subaxdaan gudaha Hindiya kaga furmo.

Sidii la filaayay si ka weyn ayuu ku furmay Dear Zindagi subaxdii hore ee xiliga Hindiya waxayna u badan tahay maalintiisa kowaad inuu 10 Crore ugu yaraan keeni doono waana bilaaw wanaagsan.
Wax walbo waxay ku xirnaan doonaan SRK doorkiisa sida ay dad weynaha u arkaan hadii dadka subaxdii hore tiyaatarada SRK madaxiisa u aadeen ku qanci waayeen doorkiisa Dear Zindagi waa hubaal filimkaan masii socon doono laakiin SRK doorkiisa hadii uu noqdo mid saameyn weyn leh dadkana ke helaan filimkaan guul weyn ayuu gaari doonaa.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment