Isticmaaleyaasha IPHONE Oo Ka Been Badan Dadka Kale & Waxyaabo Xiiso Leh Oo Lasoo Ogaaday

Bulsha:- Young man texting on smartphone whilst hugging girlfriend in ferry terminal, New York, USA

Baaritaan ay sameeeyeen saynisyahanno heer sarre ah ayaa waxaa lagu ogaaday inay dadka isticmaala telefoonka iPhone ka been badan yihiin dadka isticmaala teleefoonnada ku shaqeeya barnaamijka Android oo dhan. Sidoo kale isticmaaleyaasha iPhone ayaa lagu sheegay kuwo istustus badan.

Sida ay daaha ka qaadeen baareyaal ka socda jaamacadda University of Lancaster oo sameeyey sahankaan, isticmaalayaasha iPhone ayaana waxaa lagu sheegay inay intooda badan yihiin kuwo ka been sheega hantida ay heystaan, sidoo kale xaaladda ay ku jiraan ka dhiga mid wanaagsan xilli kasta inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay mararka qaar qarsadaan uttun ku taagan.

Sahankaan ayaa sidoo kale daaha looga qaaday inay isticmaalayaasha iPhone yihiin kuwo markasta xeerarka jebiya marka loo fiirsho isticmaala teleefoonnada ku shaqeeya barnaamijka Android oo dhan, kuwaasoo ay ugu horreyso Samsung.

Taageere kasta oo iPhone ah ayaana wuxuu isku deyayaa inuu si sahal ah kaaga dhaadhiciyo inay Apple tahay shirkadda ugu sarreysa, wuxuuna mid heer sarre ah kaaga dhigayaa telefoonka iPhone 7 oo ah naqshaddii ugu dambeysay, inkastoo uusan helin ammaan badan.

Ku dhowaad 10 kun oo shaqsi ayaa lagu wareystay barnaamijkaan oo su’aalo qoraal ah la isku weydiinayey, waxaana ay su’aalahaas intooda badan salka ku hayeen cilmu-nafsiga… Laakiin isticmaaleyaasha iPhone waa ay ka been sheegeen shaqsiyaddooda iyo habdhaqankooda.
Dr David Ellis oo ahaa madaxii waaxdii jaamacadda Lancaster University u sameysay sahankaan oo ahaa midkii ug horreeyey ee nuuciisa ah ayaana daaha ka qaaday inay natiijadaani tahay midda ugu habboon ee laga filan karay baaritaanka ay sameeyeen.

Baaritaankaan waxaa lagu ogaaday inay dhallinyaradu u badan tahay isticmaalka iPhone, sidoo kale dumarku ay kaga isticmaal badan yihiin ragga laba u jibbaar. Waxaana xusid mudan inay shaki ka muujiyaan xiisaha ay dadka kale u qabaan taleefoonnada aan aheyn iPhone.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment