Bulsha:- Ram Charan’s Dhruva confirmed for a December 9 release
Mega Power Star Ram Charan filimkiisa sida weyn loo wada sugaayo Dhruva waxba iskama badalin xiligii la qorsheeyay in la daawado.
Waxaana si rasmi ah lo xaqiijiyay in filimka Dhruva la daawan doono 9-ka bisha December ee nagu soo fool leh waana filim lagu daawan doono luqadaga Telugu iyo Tamil.
Ram Charan ayaa saaxada dib ugu soo laabtay kadib markii sanadkii hore filimkiisii ugu dambeeyay Bruce Lee uu ganacsi ahaan guul dareestay.
Ram Charan filimkiisa Dhruva wuxuu heesan doonaa tiyaatarada Koonfur Hindiya mudo hal todobaad ah waayo 16-ka bisha December waxaa masraxa loo baneyn doonaa Super Star Suriya iyo filimkiisa Singam.
Ram Charan Dhruva kaliya kuma mashquulsano sidoo kale xidigaan wuxuu agaasimayaa filimka Khaidi no 150 ee uu aabiiis Mega Power Star Chiranjeevi hogaamiye ka yahay lana daawan doono 14-ka Janaayo 2017.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment