Dhalasho Wacan Sushmita Sen Oo Maanta U Dabaal Degtay Sanad Guuradeedii 41-aad

Bulsha:- Atirishada aan wada jecel nahay sidoo kalena Bollywood-ka siweyn looga yaqaan iyo daafaha caalamka Sushmita Sen ayaa maanta u dabaal dagtay sanad guuradeedii 41-aad.

Sushmita Sen ayaa ku dhalatay magaalada Hyderabad ee Koonfur Hindiya 19-kii November sanadii 1975 waxayna maanta u tahay xidigtan maalin qaas u ah.

Xidigtan ayadoo dhalin yar ayay magac yeelatay mamaada ay sanadii 1994 ku guuleestay abaal marinta quruxda tartanka gabdhaha aduunka loo qabto (Miss Universe pageant).

Sushmita ayaa markaas noqotay gabadhii ugu horeesay ee Hindi ah taasi oo abaal marintan qaaliga ah ku guuleesato weliba ayadoo dhalin yar.

Sushmita Iyo Sidii Ay Bollywood-ka Kusoo Gashay:

Xidigtan ayaa sameesay filimkii Mahesh Bhatt iska lahaa ee Dastak oo ay la jishay Sharad Kapoor balse waxay caan ku noqotay oo aqoonsi caalami ah ku heshay filimkii Taml-ka ahaa Ratchagan oo ay la jishay Nagarjuna sanadii 1997.

Labo sano kadib Sushmita Bollywood-ka waxay ku qabsaday filimkii Biwi No.1 ee Salman Khan iyo Karishma Kapoor la jishay.

Xidigtan ayaa ku qaadatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirisho caawiyo ( Filmfare Best Supporting Actress Award).


Wixii markaas ka dambeeyay aflaan badan oo hirgaleen kuwaas oo guulo gaareen ayay xidigtan sameesay waxaana ka mid ah Sirftum (1999), Aankhen (2002), Main Hoon Na (2004), Maine Pyaar Kyun Kiya? (2005) iyo kuwo kale.

Sushmita aflaan badan oo awooda dumarka lagu soo bandhigaayo ayay sameesay waxaana ka mid ah  Filhaal… (2002), Samay: When Time Strikes (2003), Chingaari (2005), Zindaggi Rocks (2006), Aag (2007) iyo kuwo kale.

Sushmita Sen Iyo Nolosheeda Gaarka Ah:

Inkastoo xidigtan lagu xanto inay xiriiro kala duwan lasoo sameesay Director Vikram Bhatt iyo atoore Randeep Hooda hadana waligeed ma aysan guursanin.

Sushmita ayadoo 25-sano jirto ayay go’aansatay inay hooyo u noqoto sidoo kalena ay korsato gabar lagu magacaabo Renee waxayna arinkan sameesay sanadii 2000.


Sidoo kalena sanadii 2010 Sushmita hadana waxay hooyo labaad u noqotay oo sharciga u ogolaaday inay korsato gabar kale oo lagu magacaabo Alisah.

Xidigtan waxay sheegtay in nolosha aysan kali ku ahayn sidoo kalena ku faraxsan tahay caruurta ay soo korsatay oo haatan waa weyn.

Balse waxay xustay inay mustaqbalka dhow guursan doonto xidigtan waa hadii ay hesho nin u qalmo oo ay nolosha isku fahmi karaan.

Waxaan leenahay dhalasho wacan Sushmita Sen…………..






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment