Nin Naag Isku Soo Ekeysiiyey Oo Khiyaamay Qoys Reer Kuwait Ah Balse Ugu Dambeyn Arin Yaab Leh Ay Qabsatay

Bulsha:-  Haweeney u dhalatay dalka Kuwait ayaa soo saartay arin la yaab leh oo ku saabsan qof iyada shaqaale u ahaa muddo sanad kadib.

Marwada reer Kuwait ayaa dalka Uganda kasoo kaxeysatay haweeney kale oo ay u dooneysa iney u qidmeyso una noqoto jaariyad ama qaadimad, balse arinka la yaab leh ayaa noqday in shaqsiga ay haweeneyda keensatay aysan aheyn haween taas badalkeedana uu ahaa nin.

Haweeneydaan u dhalatay dalka Kuwait markeedii hore meysan ogaan shaqsiga ay iyada keensatay waxa uu yahay oo wuxuu kusoo baasay tijaabadii caafimaad ka waxaana la siin daganaan, layaabka meeshaas yaalla ayaa ah in shaqsigaan uusan qiyaamin kaliya haweeneyda uu u shaqeynayey balse uu soo indha sarcaadiyey dhamaan dhaqaatiirtii iyo shaqsiyaadkii kale ee qaabilsanaa arimaha soo galootiga.

Shakiga ugu weyn ee haweeneyda u dhalatay dalka Kuwait ayaa yimid maalin kadib markii ay aragtay shaqaalaheeda oo hal gacan ku qaadeysa jawaan bur ah oo qiyaas ahaan 25KG ah, haweeneydii ayaase durba la tashatay saygeeda iyada oo ku wargelisay in baaritaan jinsiyeed loola dhaqaaqo shaqsigaan shaqaalaha u ah wuuna ka ogolaaday.
Shaqaalihii ayaase ka biyo diiday in baaritaan dhanka jinsiga ah la marsiiyo si loo kala cadeeyo inuu yahay nin ama naag, balse ugu dambeyn baaritaankii la marsiiyey ayaa lagu ogaaday inuu yahay nin iska dhigay naag, lamana caddeyn ilaa hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arinkaas, sidoo kale reerka u dhashay dalka Kuwait ayaa diiday in magacooda lagu xuso warbaahinta.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment