Bulsha:- Qofka wax yar heysta ayaa yaqaan sida wax loo bixiyo, Xaalada la yaab leh oo ka dhacday dalka Brazil ayaan idin kugu qaada dhigi doonaa barnaamijka la yaabka dunida oo aan idin kugu soo gudbino shabakada Somalistars.
Gabar Ardayad ah oo dhigata College “Kuleejo” una dhalatay dalka Brazil ayey qabsatay dhacdo la yaab leh.
Caroline Santana waa ardayad dagan Magaalada Sao Paulo ee xarunta dalka Brazil, Caroline ayaa maalin maalmaha kamid ah balan la laheyd mid kamid ah macalimiinteeda waxa ayna ku balansanayeen iney ku kulmaan meel Maktabad ah, Santana waxa ay macalinka ka dooneysay iney kasoo qaadato Buugaagta uu cashirada ku bixiyo.
Markii la gaaray xilligii uu macalinkii kasoo bixi lahaa xiisadiisa ayey gabadhii iyadana kasoo hayaantay hoygeeda oo ku yaal meel aad ugu fog meesha ay ku balameen macalinka.
Caroline waxa ay wadada kula kulantay nin miskiin ah waxa uu weydiistay iney siiso sadaqo durbadii waxa ay baaritaan ula dhaqaaqday boorsadii garabka, waxa ay ka dhex weysay boorsadeeda “boorso Gacmeedkii” ay lacagta ku ridan jirtay, sidoo kale waxa ay weysay Ticket kii ay ku raaci laheyd Bas kii geyn lahaa Maktabadda.
Caroline oo indhaheedu banaanka usoo baxeen ( Naxdin aawadeed) ayaa odeygii miskiinka ahaa u sheegtay iney siin doonto lacag badan hadii ay hesho Boorso Gacmeedkeeda, iyada oo isla markiiba ku dhaqaaqday raadin iyo baadi goob oo ay u gashay Boorsadii.
Caroline oo aad u murugeysan ayuu odeygii miskiinka ahaa si layaab leh ugu yiri “Gabadheyda imisa ayaa lagu raacaa Baska, si aan kaaga bixiyo oo aan kuu siiyo lacagta aad ku raaci laheyd”.
Caroline ayaase ka biyo diiday iney ka qaadato odeygan miskiinka wax lacag ah Odeygii oo markale hadal ku celinayo gabadhan ayaa yiri ” Ma hubtaa inaadan u baahneyn wax lacag ah, miyaad u laabaneysaa gurigaaga”.
Xoogaa yar kadib Caronline waxa ay heshay Ticket kii ay baska ku raaci laheyd weyna faraxday waxa ayna ka maarantay odeygii lacagtiisii.
Caroline ayaa si layaab leh ugu dambeyn u weydiisay magaca ninkan niyada deeqsiga ka ah, waxa uuna ugu sheegay magaciisa in la yiraahdo Cesar, waxa ayna ugu dambeyn ka codsatay iney la gasho sawir si ay dunida ugu muujiso inuu jiro nin leh qalbi dahabi ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment