Ogoow JacaylkuA Kaligii Waxba Mataro

Bulsha:-  Kani waa arin mihiim ah wax halkan ah laba mushtamaca oo hamigooga guur yahay in ay raaxaystaan oo kaliya kumana arkaan nolosha qoyska wax aan ahayn jacayl hadii kale xaq uma

laha noloshani in ay sii waarto arintidoodu taas ayaana keenta in ay is badal ku dhaco lamaanayaasha ama midkood oo uu iska galo jacayl cusub oo hore leh laakiin mushtamaca islaamku waxa ay ka eegan arinta guurka dhinac kale weligoona muslimku waxa ay ku adkaysanayaan in ay jiraan halkan hadafo kale oo ah nolosha qoyska waxana ugu mihiimsan tafiirta iyo tarbiyada ubadka, ka dheeranta sinada,

dhamaystirka diinta, is
barashada qoyska iyo isku soo dhowaanta iyadoo la rajaynayo wanaag iyo kalgacal laakiin hadii aan la helin kalgacal iyo jacayl taasi maaha dhamaankii nolosha lamaanaha, waayitaanka wanaaga guurku illaahay waxa
uu yidhi (SW) ?

WAXA AAN DHAXDIINA KA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD?
[SUURATU-RUUN-21] run ahaantii illaahay waxa uu sees uga dhigay cilaaqaadka raga iyo dumarka laba arimood oo ah kalgacal iyo raxmad, kalgacalka oo ah jacayl
marka uu u dhamaystirmo lamaanaha waxa u dhamaatay guushi guurka waxana ay isku
waafaqaan si dhamaystirin jacaylkuna waxa uu meesha ka saara wixii nusqaan ah, hadii uu
nusqaamo ama uu daciifo
kalgacalku shay labaad ayaa xafida nolosha lamaanaha oo fududeeya sababna u noqda in uu sii jiro qoysku nabadna ku
waaro shaygaas oo ah raxmada,
Illaahay (SW) muu sheegay kalgacal kaliyga laakiin waxa uu raaciyay raxmad, Ibnu kasiir waxa uu yidhi ninku waxa uu u
taabtaa gabadha jacayl uu u qabo ama naxariis uu u naxariisanayo iyada si ay ubadna ugu dhasho iyaduna ay u baahantahay in waxsiiyaan ama kalgacal ay isku qabaan IWM,
ama sidii cumar binu Khadaab (RC) yidhi guryuhu kuma dhisna
dhamaantoo kalgacal laakiin badankoogu waxay ay ku dhisan yihiin asturaad, run ayuu sheegayaa illaahay raali ha ka aadee markii uu yidhi guryaha badhkood lagama helayo jacayl iyo karaahiyo toona waxay ku taagan yihiin sama fal uu qof ahaan samaynayo illaahayna waxa uu yidhi ? SI WANAAGSAN ULA DHAQMA?
[Suuratul-nisaa-19] Tirakoobyo la sameeyay
badhkood waxa ay sheegayaan in 88% dadka isku guursaday jacaylka aan sidkiisu dhamaan arinkoogu waxa uu ku danbeeyaa fureen iyo in ay kala
tagaan waxayna badhkood is waydiiyan maxaa fashiliya inta badan dadka ku kulmay wax ay ku magacaabeen jacayl?
Jawaabtu waa mid fudud waayo qofka wax jecel ma karo in uu toosiyo waxa uu ku eegayaa indho caadifadoodu kacsan tahay oo ay ka muuqato cadho xoog ihi kumana eegayo indhaha
garashada oo ah mid sugtay guurka dabadii, marka ay caadifadiisu degto ka dib waxa saxan in ay caadifadu ka saarto
wax mad madowku ku jiro oo ay baanka soo dhigto riyooyinka taasi waxa ay ka soo horjeeda
sugnaanta qofka kale is
waydiinta su?

aalaha iyo ururinta macluumadka iyo arinka oo wax laga siiyo ehelka iyo walaalaha taasinta shaqsiyada qaloocan
sideydoontaba ha ahaatee raga ama dumarka, sidaa darteed
jacayl khaliya kuma filna mana damaanad qaadi karo in lagu dhiso guur lagu najaxo sida ay suura gal u tahay sugnaanta in
guurka lagu najaxo, hadii aan meesha jacayl jirin waa in ay jirtaa raxmad iyo is ixtiraam isqadarin sida illaahayba yidhi (SW) ?
WAXA UU  ILLAAHAY DHEXDIINA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD? taasina waa raxmada illaahay








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment