Bulsha:- Waxa aan isku dayeyaa in
aan ka faaloodo wax keena maseeyr ka yimaada marka labada
lamaane jacayl wadaagaan.
Wayna kala duwan tahay
maseeryka yimaada
marka jacayl uu jiro iyo ka yimaada arooska
dabadiisa iyo kan dabiiciyanka ah ee qofku qabo oo ah mushaki hinaasi ah. Aniguna waxa
aan isku dayeyaa in aan ka faaloodo sida aan kor ku soo xusay hinaaska ka
yimaada marka laba qof
jacayl wadaagaan arooska hortii. Inta aynaan u gugbin maqaalkeenan waxaa haboon in qof walba is weydiiyo waxa keena maseerka iyo daawadiisa? Waxa keena
maseyrka waxaa ka
dooday culumada jacaylka oo dhan ilaa hadana meel lagu saleeyo waa lagaran la’ yahay hasa ahaatee waxaa laysla gartay in uu yahay wax uu ilaahay ku abuuray dadka binu
aadankaah.
Sida
jacaylkuba
yahay wax inoogu
abuuran
oo nolosheena ku
saleysan balse arimaha
ugu waaweyn ee keena
maseerka dhex mara
lamaanayaasha is jecel
guurka hortii waa jacayl
biiray kaas oo ay isu
qaadaan labada lamaane
iyada oo mid Kood si aad
u ba’an u jeclaanayo Kan
kale noloshiisana u
hibeenayo. Waxaa dhacda
in labada qof ee sida
dhabta ah isu jecel uu soo
dhex galo saddaxeeye iyo
dirdiraale iyada oo tijaaboiyo imtixaan looga
dhigaayo jacaylkooda iyo
kalsoonida ay isku qabaan inta ayey le’egtay. Isla markaana waxaa labada qof ee sida dhabta ah isu jecel ka dhex bilaabma shaki iyo hinaasi joogto ah.
Hadaba ma jiraa qof is
weydiiyey maxaa keenaya in gacalisadaada ama gacaliyahaagu kaa hinaaso ama kaa maseyero.
Jawaabtu waa maya.
Waayo, dadku wuxuu wax xasuustaa marka ay wax walba dhamaadaan. Hadii dadku isku aragti yihiina nolosha oo idil isku si ayey u socon lahayd.
Waxaa hubaal ah in uu jacaylku sababayo hinaasahaa ama maseerkaa, waayo labada
qof ee is jecel marka ay
kala maqan yihiin
midkoodba wuxuu ka
fekerayaa kan kale isaga
oo niyeysanaya wixii
wanaagsanaa ee uu qaban jiray iyo in uu sidaa uu ugafekerayo si la mid ah isnauga fekerayo.
1011242_591120740981018_1446988465_n
Laakiin hadii
uu saddaxeeye yimaado
ama cadaw jacayl soo
dhex galo waxaa labada
qof ee jacaylku ka
dhaxeeyo kan uu aadka
u saameeyey mar walba
niyeysanaya gacaliyihiisii
ama gacalisadiisii oo ka sii
fogaaneysa una sii
dhawaaneysa saddxeeyihii
ama qofkii jacaylkiisa
cadawga ku ahaa. Wuxuu
is tusayaa isaga oo qofkii
kale jacayl la jilaya,
mararka qaarkoodna hadii
uu telefoonka dhakhso u
qaban weydo ama uu ka
soo daaho in yar balantii
waxaa la horkeenayaa
isaga oo qofkii kale la
jooga. Ugu danbeyntana
wuxuu hinaasahaasi
sababayaa in uu qofka
wejigiisu is bedelo oo mar
walba murugo ka
muuqato hadaladiisuna
aanay noqon kuwii hore,
leen waxaa la soo dersey
welwel iyo welbahaare,
maskaxdiisana waxaa
mashquulisay ka fekerka
lamaanihiisa oo uu uga
baqayo in uu bohol ku
dhaco. Muddo marka uu
arinku sidaa ahaado
waxaa
dhacaysa in uu qofka sida
xad dhaafka ah wax u
jeceli uu si badheedh ku
jiro ugu sheego
lamaanihiisa kuna
yidhaahdo waad iga sii
jeedaa iyo jacaylkayga ma
ila wadi kartid iyo wax la
mid ah, isaga oo daawo
wanaagsan u raadinaya
jacaylkiisa, ileen muddo
badan ayuu ka aamusnaa
oo si indheer garad wax
ku fahmo u
dareensiinayey arinta
taagan. Marka uu
lamaanaha kale kelmadaa
maqlo isma weydiiyo
waxa
soo kala dhex galay iyo
dhibta jirta ee isla
markiiba
waxay maskaxdiisu u soo
tuurtaa in jacaylkii
dhamaaday oo qoftii ama
qofkii uu jeclaa ka quustay
doonayana marmarsiinyo
uu wacadka jacaylka kaga
baxo. Wuxuuna isaga oo
aan ka fiirsan halkii ku
burburiyaa wacadkii iyo
balantii adkayd ee
jacaylka,
isaga oo is leh
saddexeeyaha ama qofkan
aad dhawaan baratay
ayaa
wehel kuu noqonaya. Ma
oga in arintu tahay dibiga
gawrac weyshu ha ku
quusateesaddexeeyana uu
dhaawaan dhuuman
doono oo nuurigiisa la
weyn doono. Inta uuna
sidaa is odhan mar keliya
qofkaasi ma is weydiiyey
waxa sababay in
jacaylkii,hadalkii iyo
quruxdii qofka uu
jeclaaday is bedeshay
mase is weydiiyey
hadalada dahsoon ee ay
ka midka yihiin
“jacaylkeena ayaan u
baqayaa, cadaw aduunkan
kama dhamaado,
qofkujecel hadii aad ka
tagtid qof ku neceb ayaad
u dhawaataa, soo joog
qofkii laga waayey soo
jiifso ayaa laga helaa,
midho guntiga kuugu jira
kuwo geed saran looma
daadiyo, nabsi ha gelin
haba lagaa galee iyo kuwo
kalse ee la mid ka ah waxa
uu uga jeedo lamaanihiisu.
Sidoo kale waxaa jacaylka
dhib u keena kala
fogaanshaaha oo isna ah
hinaasaha labaad ee
jacaylka burburin Kara.
taasina waa mid aan u
dhaba galay oo aan soo
ogaaday labada qof ee is
jecel hadii ay kala
fogaadaan waxaa
dhexdooda yimaada
tuhun
aad u weyn hadii aanay
jirin kalsooni qalbiga ah.
Tuhunkaas oo sababay in
mid walba uu run moodo
waxa qalbigiisu u soo
gudbiyo iyo waxa dadku
ugu sheekeeyaan. Waayo,
dad badan oo is jecel ayaa
war loo kala qaadaa
marka ay kala fogaadaan
kedibna run mooda.
Waxaana odhan karnaa
taasi waxa ay sababeysaa
kalsooni daro markii hore
dhexdooda taalay. Dhalin
yarada hada jirtaana ma
eegaan dhibta uu
dareemayo marka uu
qofku waayo jacaylkiisa.
Waxayna wax walba ka
soo qaadan kaftan iyo
mala’awaal. Taasna maaha
mid haboon, waayo
jacaylku waa wax jira
horena wuu u jiray oo
waxaa ka hadlay fanaanin
iyo abwaano kala duwan.
Waxaana jira dad badan
oo
jacayl ku dhacay.
Sooomaalidu waxay ku
maahmaahdaa “nin aan
dhul marin dhaayo ma
leh” qofkuna hadii uu
dadka wareysto wuu
ogaanayaa xaqiiqadu
waxa
ay tahay iyo in dadka
dunidan ku nool 95% uu
hayo jacayl dhab ah
laakiin
5% ay is helayaan taana
ay
sababtay kalsooni daro iyo
dareen la’aan uuna qofku
dareemayn jacaylka
dhabta ah iyo kan mala
awaalka ah. maseyrka
ama
hinaasuhu waxa uu ka
yimaado qofa ku jecel,
kaaso oo mar walba
doonaya in aad agtiisa
ahaatid.Hadaba hadii aad
is
bedelada aan kor ku soo
sheegnay ku aragtid
lamaanahaaga adiga oo
aan is kululeyn waxaad ka
shaki saartaa wax walba.
Waxa aanad ogaataa in uu
ifka kuugu jecel yahay
aduunkana uu kaa
fiirsanayo. Waxaanad isla
markaaba dib u raacdaa
noloshaada oo eegtaa
wax kuu dhaw agtaada oo
ahaan doona saddexeeye
ama cadawga
jacayl.Ogowna jacaylka
ayaa yeesha saaxiib ku
taageera iyo mid cadaw
kuu noqda. Ugu
danbeyntii
waxa aan ku soo
gabagabeyn lahaa wax
yaabaha keena maseyrka
ama hinaasaha oo aynu
kor ku soo sheegnay in ay
ku biyo shubanayaan
kalsooni buuxda oo uu
kuu qaado qofka ku jeceli
isaga oo doonaya in
indhihiisu mar walba ku
dheehdaan oo aanad ka
ag
dheeraan. Waayo wuxuu
mar walba qofka ku jecel
ku dadaalayaa
wanaagaaga, waxaana
haboon in aad mar walba
fahamtid dabeecada iyo
habdhaqanka wanaagsan
ee lamaanahaahga.Taas
oo marka u danbeysa kuu
horseedaysa in aad kula
noolaatid nolol farxad leh
qofka ku jecel adiguna aad
jeceshahay oo aad mar
walba ku dadaaleysid in
aad la wadaagtid
nolosha…………_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment