Maxaa keeno in haweenka qaar ka mid ah naasuhu waynaadaan oo ka baxaan xadkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqaanay?

Bulsha:-  Haween badan ayaa ka sheegto arrinaan naaso waawaynida, waana arrin ay ka xishoodaan in ay dhakhtar ugu tagaan.

Waxyaabo badan oo dadku aamisan yihiin oo aan sax ahayn ayaa jiro, waxaana ka mid ah:

Naaso wayninka iyo caano soo saarista iskuma xirna, hooyo leh naaso yar way ka caano badnaan kartaa hooyo leh naaso waawayn.
Naaso wayninka kuma xirna in qofka uu cayilan yahay.
Naaso wayninka kuma xirno xilliga ay naasaha kuu soo baxeen, dadbaa aaminsan haddii gabadhu naaso ugu soo baxaan da’ yar in ay ka naaso waawaynaanayso gabadha waqti dambe u soo baxeen.
Naaso wayninka kuma xirna in aad tahay hoooyo mataano dhasho.
Intaas markaa isla fahanno kadib, su’aashu waxay tahay “Maxaa keeno in haweenka qaar ka mid ah naasuhu waynaadaan oo ka baxaan xadkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqaanay?”

Jawaabtu waa mid kamid ah sadaxdaan qodob:

Dhaxal: Naaso wayninka wuxuu ku yimaadaa qaab dhaxal ah, waana arrin hiddesocod ah oo qoysas gaar ah lagu arki karo, haddii ayeydu ama hooyadu ay leedahay arrinkaan, gabadhuna inay yeelato ayay u badan tahay, marka waxa ugu horreeyo oo la waydiiyo qofka ka cabanayo arrintaan waa taariikhda qoyskiisa
Cilladaha hormoonka: haddii aysan qoysku taariikh naaso wayni u lahayn, waxa ku xiga in hormoonka qofka la baaro, maxaa yeelay haddii cillad hormoon ay jirto dumarka iyo raguba naasuhu way waynaadaan, hormoonka loo yaqaano “Estrogen” ayaa u qaabilsan korriinka naasaha, wuxuuna kacaa xilliga qaangaarka gabadha, xilliga uurka iyo xilliga naasnuujinta, laakiin wuxuu leeyahay xad loogu talagalay inuusan dhaafin khaasatan dhibka hormoonkaan markuu kaco waxaa la kulmo ragga, ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadalnay ragga naasuhu bararaan:
Daawooyinka: Waxay keenaan in naasuhu bararaan, waana muhiim haddii ay jiraan daawo aad joogto u qaadatid in aad dhakhtarkaaga la socodsiisid, inkastoo cillada daawada ama maandooriyaasha keena naaso wayninka ay raggu ku badan yihiin.
Naaso wayninka waxay keenaan dhowr cilladood oo hooyadu isku aragto, waxaana ka mid ah:

Dhabar xanuun, weliba murqaha dhabarka ku aadan garbaha hoostooda.
Garbo xanuun, Qoor xanuun iyo kalxamo xanuun.
Kabaabyo gacmaha ah ama xanuun kilkilaha ah.
Astaamahaan waxay siyaadaan markii hooyadu ay ku jirto marxallada naasnuujinta.

Haddii ay hooyadu naas nuujiso, cilladuna ay noqoto wax la xiriiro hormoonka oo siyaado ah, waa laga ilaaliyaa in la siiyo daawo yaraynayso hormoonkaas, maxaayeelaya waxaa laga yaabaa in caanuhu yaraadaan.

Cabashadaas wax ka badan oo dhibaato ah mustaqbalka qofka uma keenaan naaso wayninka, sidaas darteed ayaa hooyada loo siiyaa xanuun baab’iye, lagula taliyaa in naasaha ay ka ilaaliso raaraacsiga oo ay xirato naas-gashi.

Haddii hooyadu ay ka shaqaysan kari wayso ama dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay ka tagi waayaan ama soo darsadaan, waxaa lagula taliyaa in qalliin lagu sameeyo naasaha si loo yareeyo, qalliinkane lama sameeyo xilliga ay hooyadu ku jirto da’da dhalmada iyo naasnuujinta.

Xafiiska arimaha caafimaadka







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment