Bulsha:- Nin ayaa lagu xukumay xabsi muddo 14 bilood ah ka dib markii sawirro gabar ka qaawan qeybta sarre uu soo dhigay Facebook, waxaana akoonkaas laheyd isla gabadhaas.
Xukunkaan waxaa lagu riday 20 sanno jirka lagu magacaabo Stephen Landers, kaasoo jabsaday akoonka gabar ay saaxiibo ahaayeen, ka dibna uu soo dhigay sawirradeeda iyadoo ka qaawan qeybta sarre, laakiin cidna ma arkin wejigeeda.
Qareenkii ay qabsatay gabadhaan Lewis Kerr ayaa u sheegay Durham Crown Court: “Cidna ma hubto inta daqiiqo ee ay sawirradaani ku jireen Facebook, waxaana arkay dad kale oo badan”.
20 sanno jirkaan ayaa sidoo kale gabadhaan la xiriiray xilli dambe wuxuuna ugu hanjabay inay xaaladdu sidaan kasii xumaan doonto haddii aysan dacwadeeda la laaban, sida uu xaqiijiyey Mr Kerr.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment