Bulsha:- Qalanjada Mudooyinkii ugu dambeeyay loogu hadal heynta badnaa Hollywood-ka Priyanka Chopra ayaa sheegtay hadal la yaab leh oo ah inaysan hada dooneyn bandhigyadeeda inay ku ekaadaan Mareeykanka iyo India.
Priyanka waxaa ay sameeysay filimaan kala duwan oo ay hada u sameeysey labada shirkadood ee aad loo wada yaqaan qeeybta filimsameeynta waana Hollywood iyo Bollywood waxaana sidoo kale ay rajeeyneyaaa inay filimaan kale soo jisho.
Maadaama aad looga wada yaqaan caalamka waxaa ay aktaada dooneysaa in mageceeda uu kusii baaho daafaha caalamka oo dhan lagana dareemo saameeynteeda.
”Waxaan wali aminsanahay inaan sameeyo Bollywood, kaliya laba wada, waliba USA iyo India, kuma qancidoono, waayo waxaan doonayaa caalamka oo dhan inaan ku baaho,” ayey Priyanka ku sheegtay Barnaamujkeeda ”Talk Show”.
Priyanka ayaa waxaa ay ka sheekeyneysaa maalmahaan oo ay ku mashquulsantahay taxanaha sheekada dheer ee filimkeeda Quentico.
Waxaa la dareemayaa hada in aktarada wali ay u baahantahay inay sameeyso filimaan badan maadaama ay balanqaaday inay u baahantahay ku baahida caalamka.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment