Bulsha:- Gabar arday ah oo jirkeeda ka ganacsata isla markaana loo yaqaano Talatu John ayaa waxay dhowaan guursatay nin uu hayo cudurka dillaaga ah ee HIV Aids.
Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Emmanuel wararkuna waxay sheegayaan inay labadoodu kulmeen sannadkii 2014kii ka hor inta aysan jaceyl waalli ah isku qaadin midba midka kale.
Si kastaba ha ahaatee, dhibaato ayaa gabadhaan lasoo deristay shan bilood ka hor, waxaana xusid mudan in loo sheegay inay qabto cudurka dillaaga ah ee HIV Aids bishii June ee sannadkaan 2016.
Si kastaba ha ahaatee, Talatu John waxay daaha ka qaaday inay waqtigaas wixii ka dambeeyey go’aansatay inay guursato Emmanuel maadaama aysan waxba isdoorin labadoodu.
Talatu ayaa u sheegtay saxaafadda: “Waxa ugu badan ee i xanuunjinaya aniga ayaa ah inuu saaxiibkeey qabay cudurkaan HIV Aids, laakiin uusan marnaba ii sheegin. Sidaas darted waxaan si wadajir ah u sameyn jirnay galmo aan badbaado laheyn.
“Waan jeclahay isaga. Weli waan jeclahay. Jaceylkeenu waa mid aad u xoogan waxaana siiyey qalbigeyga. Waxaan sameynay galmo iyadoo aysan jirin wax badbaado ah waqtiyo kala duwan. Aad ayaan u jeclaa waana sababta aanan uga taxadarin inuu isticmaalayo condom iyo in kale. Xitaa kama walwalin inuu uur ii yeelo. Sidaas darteed isna iskuma dhibin inuu isticmaalo condom.”
Haatan labaduba waxay qabaan cudurka dillaaga ah ee HIV Aids, waxayna go’aansadeen inay nolosha isla qaataan maadaama ay waqti yar heystaan… Arooskooduna wuxuu dhacay 6dii bishaan November, wuxuuna arooskoodu ka dhacay Lafia oo ah magaalo madaxda gobolka Nasarawa State ee dalka Nigeria.
Emmanuel iyo Talatu John labaduba waxay u dhasheen dalka Nigeria.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment