Akshay Kumar Filimkiisa Toilet Ek Prem Katha Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga

Bulsha:- Super Star Akshay Kumar duubista filimkiisa Toilet Ek Prem Katha wuxuu bilaabay todobaadkii ugu horeeyay bishaan November haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday xiliga la daawan doono.
Akshay Kumar filimka Toilet Ek Prem Katha waxaa la jileyso atirishada dhalinta yar Bhumi Pednekar waxaana haatan si rasmi ah shaaca looga qaaday in la daawan doono 2 June 2017.

Filimka Toilet Ek Prem Katha waxaa Director ka ah Narayan Singh oo markii ugu horeesay filim sameyn doono sidoo kalena shirkadaha Viacom18 Motion Pictures, Cape of Good Films, Friday Filmworks iyo Abundantia Entertainment ayaa isla maal galin doonaan.

Filimka Toilet Ek Prem Katha oo jaceyl iyo shactiro isku jiro ah waxaa duubistiisa la dhameyn doonaa bisha Janaayo ee horaanta sanadka cusub.

Aqbaartaan waxay ka dhigan tahay Akshay Kumar 6-bilood ee ugu horeyso sanadka dambe inay usoo bixi doonan labo filim oo kala ah Jolly LLB 2 oo la daawan doono 10-ka Febraayo 2017 iyo Filimka Toilet Ek Prem Katha oo isagana haatan la xaqiijiyay 2 June 2017 la daawan doono.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment