Miyey Atariishada Karisma Kapoor Dooneysaa Inay Hal Filim Kala Soo Muuqato Kareena Kapoor?

Bulsha:- Karisma Kapoor oo ka mid ah atariishooyinkii ugu fiicnaa ee ay soo saartay shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood ayaa daaha ka qaaday inay jeclaan laheyd inay hal filim iskala soo muuqdaan walaasheed Kareena Kapoor Khan.

Karisma ayaa waxay filimkeedii ugu horreeyey kasoo muuqatay sannadkii 1991dii, filimkaasna wuxuu ahaa Prem Qaidi wixii intaas ka dambeeyey 42 sanno jirtaani waxay ku guuleysatay quluubta taageereyaal badan waxaana la ammaanay sida ay uga soo baxday doorarkeedii aflaanta Dil Toh Pagal Hai, Raja Hindustani iyo Zubeidaa.

Walaasheed Kareena, waa 36 sanno jir, qudheedu waa xiddig sarre oo Bollywood ah waxayna kasoo muuqatay aflaan guuleystay isla markaana derejada lacageed ee ay soo xareeyeen ka gaaray blockbuster, sida Refugee, Kabhi Khushi Kabhie Gham, Omkara, Jab We Met iyo weliba 3 Idiots.

Markii wax laga weydiiyey haddii ay dooneyso inay la shaqeyso isla markaana ay shaashadda la wadaagto walaasheed Kareena, Karisma ayaa u sheegtay IANS: “Haa, waan jeclaan lahaa inaan hal filim islama soo muuqano Kareena, waxayse ku xirnaan doontaa inaan helno filim sheeko ahaan wanaagsan”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment