Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Caansan Dunida Oo Marqaati Ka Noqday Geerida Hooyadiis, Mana Aamini Doontid Qofka Dilay?

Bulsha:- Dhacdooyinka ka dhaca waa kuwa cajaaibtooda wata, balse markaan waxaan idiin soo qabaneynaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu murugada badan taasoo qabsatay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu magaca dheer kubadda cagta, waana madaalaha kooxda Borrusia Dortmund iyo qaranka Poland Jakub  ‘Kuba’ Błaszczykowski.

Jakub Blaszczykowski ayaa wareysi siiyay Die Welt, wuxuuna soo xasuustay dhacdo murugo leh oo mugdi galisay noloshiisa, wuxuuna xidigaan goob joog u noqday geerida hooyadiis oo uu dilay aabahiis.

Aabaha Jakub ayaa gacantiisa ku dilay hooyadiis waliba Jakub ayaa marqaati ka ahaa isagoo waliba 10-jir ah waana uur-kutaalo xun oo aan waligiis noloshiisa ka go’i doonin.

“Buugeyga ayaan ku qeexay walba oo igu dhacay, oo ay ku jirto markii aan 10-jir ahaa dhacdo igu dhacday, waxaan marqaati ka noqday dilka uu aabahey u geystay hooyadey” ayuu yiri Błaszczykowski.

“Ma ahan wax fudud, balse waa dhacdo aanan iloobin, waligeyna aanan iloobi doonin, maalintaas nolosheyda wey is badashay”

“Balse waxaan u maleynayaa inaan ka dhaxlay awood badan, waxaan ku qasbanaaday inaan la xaalo dhibaatoyin badan nolosheyda, taasoo aysan dadka kale awoodi laheyn iney sameeyaan”



Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Caansan Dunida Oo Marqaati Ka Noqday Geerida Hooyadiis, Mana Aamini Doontid Qofka Dilay?




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment