Sunny Leone Oo Kasoo Muuqatay Liiska 100ka Hablood Ee Adduunka Ugu Saameyna Badan Sannadkaan Ee Soo Saartay BBC

Bulsha:- Atariishada asal ahaan kasoo jeeda Canada Sunny Leone ayaa waxay kasoo muuqatay liiska boqolka hablood ee ugu saameynta badan adduunka sannadkaan 2016 ee ay sameysay idaacadda caalamiga ah ee BBC.

Liiska BBC 100 Most Influential Women ayaa waxaa lasoo saarayaa sannadkiisii afaraad. Waxaana markale kasoo muuqday hablo magac iyo saameyn labadaba ku leh adduunka. Waxaana ku jira, ganacsato, injineerro, hablo ka xamaasha isboortiga, halyeeyo dhanka modelka ah, farshaxaniisteyaal iyo dumar ganacsato ah.

Sunny, oo u dabaaldegeysa sannad guuradii shanaad ee kaoso wareegtay markii ay kusoo biirtay shirkadda aflaanta reer India ee Bollywood ayaana kasoo muuqatay liiskaan. Aflaanta shirkadda Bollywood ee ay kasoo muuqatay 35 sanno jirtaani waxaa ka mid ah Jism 2, Jackpot iyo Ek Paheli Leela.

Marka laga soo tasho atariishadaan, hablaha kale ee magaca ku leh India isla markaana lagu soo daray liiskaan ayaa waxaa ku jira Gouri Chindarkar (Sangli), Mallika Srinivasan (Chennai), Neha Singh (Mumbai) iyo Saalumarada Thimmakka (Karnataka).
Chindarkar waa gabar 20 sanno jir ah oo injineer dhanka computer-ka ah.  Srinivasan waa haweeneey 57 sanno jir ah, waxayna guddoomiye ka tahay shirkadda Tractors And Farm Equipment.

Singh waa 34 sanno jir atariisho ah ahna filimsameeye, waxayna soo saartay filim ku dhiirrigelinaya dumarka inay lugeeyaan waddooyinka Mumbai maalinkasta si ay meesha uga baxdo qashaqashaadda joogtada ah ee ay kala kulmaan boliiska. Ugu dameyntiina Thimmakka waa haweeneey 105 sanno jir ah kasoo jeeda Karnataka waxayna abuuray in ka badan 8 kun oo GEED 80kii sanno ee lasoo dhaafay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment