Gabar 15 Sanno Ku Dhex Nool Baaldi

Bulsha:- Raxma Haaruun waa gabar dhalinyarro ah waxa ay si farxad ku dheehan tahay ula nooshahay qoyskeeda wallow ay la dhibaatooneysa xanuun layaab leh kaasoo ka dhigay cuuryaan aan lugo iyo gacmo midna laheyn.

Rahmo waa 19 sanno jir waxa ay ku dhalatay magaalada Kanu ee dalka Nigeria, gabadhan ayaa ku dhalatay caafimaad taam ah, balse markii ay lix bil jirsatay waxaa istaagtay koriimadii ku socotay gabadhaan.

Hooyada dhashay gabadhan rahmo oo la hadleysay saxaafada maxaliga ah ee dalka Nigeria ayaa tiri “Raxmo waxa ay fadhi bilowday iyada oo 6 bilood jir ah, balse si layaab leh ayey ku joojisay fadhigii ay fariisan jirtay waxaa qabatay qandho saa’id ah waxa ayna xanuun daran ka dareemeysay caloosha, intaas kadib waxa ay dariimi weysay misena dhaqaajin weysay gacmaheeda iyo lugaheeda.

Iyada oo ay qoyska inanta isku dayaan ineysan gabadhaan sida layaab ka leh cuuryaanta u noqotay dareento caajis ayey u kaxeeyaan meel waliba oo loo dalxiis tago ee ku taal dalkaasi, waxaase xusid mudan in xanuunka gabadhaan Raxmo lagu magacaabo ay la ildaran tahay aan la aqoon ilaa hadda waxa uu yahay.

Qoyska raxma ayaa rajeynayo in qisada gabadhooda ay gaarto caalamka oo idil iyo sidoo kale hey’adaha gar gaarka bixiyo kuwaasoo ay ka dalbanayaan iney la tacaalaan gabadhooda xanuunka daran la dhibaatooneysa.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment