Bulsha:- Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa si rasmi ah usoo bandhigay heestiisa Haanikarak Bapu ee filimka Dangal ku jirto waana hees siweyn loo wada sugaayay.
Sida heesta laga arki karo Aamir wuxuu matalaa aabo go’aan adag oo aan fur furneyn kuna adkeenayo caruurtiisa inay amaradiisa marwalbo qaataan.
Wuxuuna Aamir Khan labadiisa gabdhood siinayaa tabbar adag si ay mustaqbalka ugu noqdaan lagdamayaal aan loo dhawaan karin.
Filimka Dangal waxaa la daawan doonaa 23-ka December 2016 wuxuuna ka hadlaa nolosha dhabta ah ee lagdamaagii hore ee Hindiya Mahavir Phoghat iyo labadhiisa gabdhood Geeta iyo Babita.
Fadlan hoos ka daawo heesta Haanikarak Bapu ee filimka Dangal ku jirto:

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment