AFAR QAAB OO JACEYLKA KA MID AH IYO SAAMEYNTA AAY KU REEBAAN NAFTEEY DAASHADAAN..!!

Bulsha:- Waxa jirta in dadka intiisa badanika baqaan inay is-haleelaan jacayl dhab ku dhisan oo dhexmara
lamaane kale, iyadoo ay jiraan sababo badani haddana inta badan waxa lagu tilmaamaa inay jiraan arrimo la odhan karo sabab ayay yihiin in qofku dib uga maagto qof uu jacayl dhab ah u qaadi lahaa; kuwaas oo ay
sheegaan dadka cabsiga ka qaba in jacayl ku dhaco:

1. Jacaylka dhabta ahi waxa uu qofka ka dhigaa mid jilicsan:
Xidhiidhka bilawga ahi waxa uu ka dhigan yahay dhul aan la qorshaynin oo kale, ama la garanayn sida uu kala yahay,
waxaana iska dabiiciyan ah in bani’aadamku iska leeyahay dareen cabsi uu ka qabo waxa aanu aqoon u lahayn amaba aan qeexnayn. In aynu nafaheena u ogolaano inay is-haleelaan bad-
weynta jacaylka waxay ka dhigan tahay inaga oo khatar u badheedhayna oo kale; waayo qofkale ayaad si wayn u aaminaysaaa waxyaabo badan oo sirtaada ah, taas baana sabab ugu noqon karta inuu noqdo
mid u baylahsan qofkan ama xagiisa ka jilicsan. Waxaana lagu tilmaamaa in badan oo aad jacaylkaaga daryeeshay waxay la mid tahay in badan oo ay dhibi ku soo gaadhi karto.

2. Jacaylka Cusubi waxa uu Keenaa Xasuusta Dhib hore:
Marka aynu xidhiidh cusub bilawno waxa aynu ogsoonahay wixii hore inoo soo gaadhay,
dariiqyadii dhibtu inoo soo martay; inagoo kasoo bilaabayna caruurnimadii. Taasina waxay saamayn xoogan ku leedahay
sida aynu u qiimaynayno iyo sida aynu ula dhaqmayno dadka aynu
xidhiidhka dhow la yeelanayno.
Waxyaabo hore oo aan fiicnayn oo ku soo gaadhay waxay keenaysaa inaynu dareen
feejigan u yeelano sida aynu nafteena ugu bandhigayno qof cusub, waana mid keeni karta in
kalsoonidii la isku qaadi lahaa dib u dhacdo.

3. Dhib ka dib baa Raaxo la helaa:
Markasta waxaynu jecelnahay farxad iyo deganaansho,
waxaana suuragal ah inaynu dareemo murugo badan. In badan oo innaga mid ahina waxay ka dheeraadaan waxyaabo badan oo farxad leh iyagoo uga baqaya in aanu sidaa
noqon ee uu xanuun ku keeno.
Waxaanan suuragal ahayn in dhib la’aan, farxad iyo raaxo la gaadho, si loo helana waa in loo badheedhaa dhibkasta oo ka iman karta hirgalinteeda.
4. Jacaylku inta badan ma dheeli tirna:- Dad badan ayaa ku tiraaba in ay jacaylka uga cago jiidayaan iyagoo ka baqaya haddii ay qof
xidhiidh rasmi la yeeshaan in laga yaabo inuu isbedelo. Waxaana xaqiiq ah in jacayl inta
badan aanu isku dheelitirnayn,
oo qofna daqiiqad walba
isbedelo, qofna jacaylkiisu waligii aanu is bedelin. Waxa laga yaabaa in qof aad jeceshahay aad waqtiyada qaarkood
karaahiyaysato, taas baa iyana noqonta sabab dad badan u daliishadaan.

5. Xidhiidhadhka Jacaylka waxa Joojin kara qoysaska:
Qofna kaligii nolosha ma bilawdo mana dhamaystirto, laakiinse waxa saamayn iyo go’aanaba ku yeesha qoyskiisa oo ah noloshiisa qayb ka ah. Waxa in
badani ku walaacdaa oo jacaylka rasmiga ah ka warwareejiya ku qancinta iyo dareenka qoyskiisu
ka bixin doonaan qofkan uu u dooranayo nolosha.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment