NOOCYADA DABEECADAHA RAGGA IYO SIDA UGU HABBOON EE AAY OORIDU UGU DHIGI KARTO SAYGII DHAB U DHAQI LAHAA.

Bulsha:- Qormadaan waxey ka hadlaysaanoocyada ay raggu u qaybsamaan iyo dabeecadaha uu nooc kasta oo ka mid ahi leeyahay; qormadan waxaa caadi ahaan loogu talagalay duumarka
oo la rabo in gabadhu ay ka faa’idaysato sida ugu fiican ee ay ku garan karto nooca uu saygeedu yahay, si ay u ogaato
dabeecadihiisa ay ugu soo hagaagayso iyo wax yaabaha ay ka filan karto:

1. Sayga Carada badan: Dhaqso ayaa uu u caroodaa, isaga oo mararka qaarkood ka
caroonaya wax aan macno badan lahayn ama noqon karin sabab u qalanta xaddiga cadhadiisa..
haddaba talada ugu fiican ee ay khubarada cilmi nafsigu siinayaan gabadha saygeedu dabeecaddan leeyahay
ee jecel in aanu qoyskeedu burburin waa: Ha la gelin doodo iyo muranno adag oo aan
muhiim ahayn. Dooddaada iyo fikirka aad ku khilaafsan tahay waxa aad la bilowdaa xilli aad
daraasaysay in uu ku habboon yahay nafsi ahaan oo ay xaaladdiisu deggen tahay ama aanu buuq iyo muran idiin horreyn.

2. Sayga qabow: Inta badan ma laha shucuur iyo dareen akhrisan
kara shucuurta dhabta ah ee gabadha ku duugan, waaa quraarad madow oo aan la arkin waxa ku qorsoon.
Waxaa gabadha lagula talinayaa in ay si xikmadaysan ula macaamisho, deggenaanshiyaha in aanay ka tegin, inta badanna ku dadaasho
in iyada oo waxa ay doonayso marsiinaysa ama u sheegaysa haddana ay isaga dareensiiso in uu mudnaanta leeyahay, yahayna qofka ku habboon in uu furo
mawduucyada u baahan in laga wada xaajoodo.
3. Sayga aan xadaariga ahayn:
Ma jecla horumarka iyo in hadba tallaabo cusub la qaado, waxa aanu ku dheggen yahay caadooyinka hore iyo hidde iyo dhaqan gaboobay. Haddii uu
saygaagu kaas yahay, Adeec oo iska jir in aad tusto inaad canaadayso.. Laakiin ku dadaal in aad ka shaqayso muuqaalkiisa
duleed iyo labbiskiisa adiga oo aan dhaawacayn shucuurtiisa,
tusayna in dhaqankaas uu ku dheggen yahay qaldan yahay,
waxase aad iska jirtaa in aad ku dhiirri geliso in uu xidho wax kasta oo cusub ama mar kasta hab casriya u labbisto si aanu
kaaga didin oo aanu u arkin in caadadiisii dhaxal wareejinayso.

4. Sayga Xadaariga ah: Waxa uu jecel yahay muuqaalka duleed iyo
wax kasta oo indhaha dadka xaggiisa u soo jeedinaya, waa shakhsi xarago badan oo jecel in
dharkiisa, shaqadiisa iyo
hoygiisuba qurux badnaadaan,
waxa uu jecel yahay in uu wax yaabaha qaaliga ah ee qiimaha badan iibsado.. Habka ugu
habboon ee ay gabadhu
qalbigiisa ku kasban kartaana waa calooshiisa iyo in ay mar kasta dareensiiso in uu ku nool
yahay jawi qurux badan.

5. Sayga kakan: Waa nin aan aqoonin sida reer loo dhaqo, ma fahmo haweenka iyo la
macaamilkooda, waxa muhiimka ah ee uu kaaga baahan yahayna waa inta aad la fadhiisato in aad
si cad runta ugu sheegto, iyo in aad u caddayso habka aad doonayso in uu kuula macaamilo
iyo in aanay suurtogal ahayn in aad ku wada joogtaan dabeecaddiisa hadda.

6. Sayga naxariista badan: Waa ninka jecel farxadda iyo badhaadhaha xaaskiisa,
murugooda marka ay
murugooto, xanuunkana la qaybsada… sida keliya ee ay tahay in ay gabadhu ula macaamishaana waa in ay sidiisa oo kale ka yeeshaa, si aanu u
niyad jabin.

7. Sayga madaxa adag: Waxa uu jecel yahay nidaamka iyo in wax
kastaa ay habaysnaadaan, sidaa awgeed waa ay adag tahay in gabadhu ay la macaamisho illaa ay la timaaddo xirfad iyo xeelado ay ku qancin karto.

8. Sayga aan korin: Waa sayga inta badan ku mashquula hallacsiga haweenka iyo haasaawaha dumarka, in kasta oo uu xaaskiisa wanaag iyo is faham iyo jacayl kula nool yahay
haddana hadba waxa ay aragtaa isaga oo haweenka kale isha ku
xadaya.
Saygaas sida keliya ee ay
gabadhu ku hayn kartaa waa in ay si joogto ah uga shaqayso quruxda nafteeda iyo labbiskeeda, in ay si joogto ah u
bed-beddesho hab-
macaamilkeeda iyo habka ay saygeeda ula hadlayso si uu u dareemo in xaaskiisu ay buuxin karto kaalinta kuwa kale ee badan ee lagu ibtileeyey
eegmadooda.

9. Sayga kalgacalka badan:
Waxa uu ku xariif yahay hadal sida malabka u macaan, si sahal ah ayaa uu u sheegan karaa waxa
laabtiisa ka guuxaya, isaga oo aan weliba qofka u muujin qallafsanaan iyo kakanaan.
Gabadha ugu fiican ee hanan kartaana waa ta mar kasta tusta in ay ka kalgacal iyo jacayl badan
tahay, gabadha ficil ku tusta in farxadda uu doonayo uu sahal ku gaadhi karo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment