Filimka ”Noor” Ee Sonakshi Sinha Hogaamiyaha Ka Tahay Oo Dib Loo Dhigay Iyo Xiliga La Daawan Doono

Bulsha:- Filimka ay hogaamiyaha ka tahay Sonakshi Sinha ee Noor ayaa horay idinla wadaagnay in la daawan doono 7 April, 2017 ayaa si rasmi ah tiyaatarada looga daawan doona 21 April 2017.

Sonakshi Sinha ayaa barteeda Twwiter-ka si rasmi ugu shaacisay in filimka ay hogaamiyaha ka tahay ee Noor dib loo Dhigay laba isbuuc xiliga loogu tala galay ee daawan lahaa Sonakshi ayaana si rasmi ah u shaacisay in filimka Noor la Daawan doono 21 April, 2017.

Noor waxay Sonakshi ku matalaysaa gabar joornaaliste ah waana sheeko dhab oo lagu qoray buuga lagu magacaabo ‘Karachi, You’re Killing Me!.

Waxaana buugaan qoray joornaaliste Pakistan Saba Imtiaz, Sonakshi  ayaana filimkaan ku ,matali doonto gabbar Joornaaliste ah Oo lagu magacaabo Noor Roy Chaudhary.

Filimkaan waxaa director ka ah Sunhil Sippy waxaana filimkaan Sonakshi kula wehliyo Kanan Gill, Shibani Dandekar, iyo Purab Kohli

 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment