Karan Johar Waxba Ma Hubsanin Markii Uu Dhahay Robot 2.0 Waa Filimka Ugu Qaalisan Oo Ay Asia Sameeyeen

Bulsha:- Filim sameeye Karan Johar wuxuu dhawaan xariiriye ka ahaa xafladii lagu soo bandhigaayay sawirada iyo kaartada filimka Robot 2.0 oo ay hogaamiyaal ka yihiin Super Star Rajinikanth iyo Akshay Kumar.

Karan Johar wuxuu goobta ka dhawaajiyay in Robot 2.0 uu yahay filimka ugu qaalisan oo ay ebid qaarada Asia sameeyaan sidoo kalena filimkaan Hollywood-ka la tartami karo.

Laakiin Karan Johar hadalka wuu iskala booday waayo waxaa jiro mashruuc kale oo qaarada Asia hirgaliyeen kaasi oo filimka 2.0 ka qaalisan.

Waxaa la isla dhex maraa in filimka Robot 2.0 lagu qarash gareeyay 350 Crore ($53.03M) weliba qarashaadka ugu badan wuxuu ku baxay aalada VFX oo muuqalada halista ah lagu sameeyay iyo kuwa casriga ah.

Laakiin filimka ugu qaalisan ee Aisa sameeyaan waa Asura waxaana la qorsheeyay in la daawado sanadka 2018 waxaana lagu qarash gareeyay $100M!

Hadii aad rabtid lacagta filimka Asura lagu qarash gareeyay inaad Indian Rupees u badashid waxay noqoneysaa ama u dhigantaa 680 Crore waana ku dhawaad labo laabka lacagaha filimka Robot 2.0 lagu qarash gareeyay!!

Fadlan sawiro u gaar ah filimka Asura hoos kaga bogo waxaana Director ka ah Peng Zhang kaasi oo horey wax kasoo caawiyay sameynta filimada Hollywood-ka ah  Ant-Man iyo Scott Pilgrim vs. the World:






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment