Filimka Dear Zindagi Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaatarada La Saari Doono Iyo Rajada Laga Qabo

Bulsha:- Waxaa maalinta berito ah (25-ka November 2016) tiyaatarada gudaha Hindiya la saari doonaa filimka Dear Zindagi oo ay hogaamiyaal ka yihiin SRK iyo Alia Bhatt.

Filimka Dear Zindagi waxaa Director ka ah Gauri Shinde oo horey u sameesay filimkii sheekadiisii sida weyn looga helay English Vnglish, waana filim dadka reer magaalka ah loogu tala galay inta badana magaalooyinka waa weyn ayaa laga daawan doonaa.

Dear Zindagi Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay: Filimkaan waxaa lagu sameeyay lacago xadidan oo lagu sheegay inay tahay 35 Crore xitaa waxaa ku jirto lacagaha suuq geynta loogu sameeyay.

Filimkaan qarshaadkiisa inuu yaraado waxaa sabab u ah in SRK soo saare ka yahay oo uusan sameyntiisa wax lacag ah ku qaadanin.

Balse SRK filimkaan wuxuu ku leeyahay muuqaal marti ah oo la fidiyay (Extended Cameo) hadii SRK uusan soo saare ka ahaan laheyn qarahaadka filimkaan 60 Crore ayuu sare u dhaafi lahaa.

Dear Zindagi Tiyaatarada Laga Daawan Doono: Filimkaan waxaa la sheegay in laga daawan doono 1200 tiyaatar oo u badan Multiplex tiyaatarada daqliga badan laga helo, sidoo kalena tirada tiyaatarada sare ayaa loo qaadi doonaa hadii sheekada filimkaan shacab weynaha ka helaan.

Dear Zindagi Lacagaha Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin: Qarash gareeyayaasha filimkaan waxay awoodeen inay dib ugu soo laabato qarashkii filimkaan ka galay.

Kooxda filimkaan iska leh waxay lacag fiican ka heleen xuquuqaha Satellite-ka, Muusiga iyo xuquuqo kale madaama uu yahay filim SRK ku jiro.

Sidoo kale kooxda filimkaan iska leh waxay 31 Crore kaga iibiyeen kooxda cajaladaha qeybiyaan ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Sidaa darteed Dear Zindagi marka uu 62 Crore keeno ayuu yahay filim bad baaday (Average) halka uu Hit dhameestiran ku noqon doono marka uu keeno 70 Crore sidoo kalena Super Hit wuxuu ku noqon doonaa marka uu keeno 100 Crore.

Rajada Laga Qabo Filimka Dear: Filimkaan inkastoo Alia Bhatt hogaamiye ka tahay hadana waxaa loo suuq geeyay filim SRK door dhameestiran ku leeyahay.

SRK door muhiim ah ayuu filimkaan ku leeyahay waxayna kooxda iska leh go’aansadeen inay wajiga King Khan ku suuq geeyaan sidaa darteed maalinta kowaad si wanaagsan ayuu ku furmi doonaa SRK madaxiisa.

Balse inuu ganacsi wacan Boxoffice-ka ka sameeyo waxay ku xirnaan doonaa sheekada filimkaan sida ay tahay iyo doorka SRK ku leeyahay filimkaan sameeyntiisa inta ay la ekaan karto.

Sidoo kalena Dear Zindagi waa filim kaliya ka gadmi doono magaalooyinka waa weyn ee Hindiya ee looguma tala galin dadka reer miyiga ah iyo dadka dabaqada hoose filimkaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment