Bulsha:- Xidiggii hore ee kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Luis Figo ayaa tuugo u daba mareeyeen gurigiisa magaallada Madrid xilli reerkiisu ay dibadda ku maqnaayeen waxaana tuugadani ay aqalka ka xadeen waxyaabo qaali ah oo ku kacaya Malaayiin Euros, iyadoo Booliiskuna ay haatan wadaan baaritaan.cute-couple-helen-svedin-with-husband-luis-figo
Booliska magaallada Madrid ayaa ‘Europa Press’ u xaqiijiyay in Subixii Arbacadii koox tuugo ah ay u dhacday guriga Figo, iyagoo gacanta sii mariyay Dahab iyo saacado qaali ah oo qiimo ahaan ku kacaya Nus Malyuun oo Euro (€500,000), waxaana tuugadani ay sugayeen illaa Figo iyo xaaskiisu ay guriga ka tegayaan.
Figo ayaa markii uu ka war helay arrintan deg deg ugu war geliyay saldhigga Booliska ee Hortaleza iyadoo baaritaannaduna ay socdaan.
Waa markii labaad oo loo dhacayo guriga laacibkii hor ee Bortuqiiska Figo, iyadoo sanadkii 2003 ay saddex nin oo hubeysan jabsadeen guriga kana qaateen alaabo qaali ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment