Bulsha:- Haweeneey u dhalatay dalka China oo lagu magacaabo Ni Linmei ayaa qarka u saaran inay ku biirto buugga dhacdooyinka qariibka ah ee adduunka lagu keydiyo ee The Guinness World Records.
Gabadhaani waxay noqoneysaa midda ugu timaha dheer adduunka, haweeneydaan u dhalatay dalka China ayaana markii la cabiray timaheeda waxaa lagu sheegay in dhirirkoodu uu yahay 11 feet ama 3.35 meters.
60 sanno jirtaani waxay kasoo jeedaa magaalada Taiyuan ee gobolka Shanxi Province ee dalka China waxayna soo bandhigtay timaheeda leh dhirirka cajiibka ah iyadoo daaha ka qaaday inay muddo 18 sanno ah korineysay timaheeda si ay heerkaan dhirir ahaan u gaaraan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment