Akshay Kumar oo booqdey Militeriga Hindiya.

Bulsha:-  Super Star Akshay Kumar ayaa kulan la qaatay ciidanka militariga Hindiya gaar ahaan hogaanka ku sugan dhulka muranka badan ka taagan Jammu iyo Kashmir.

Akshay Kumar ayaa magaalada Delhi kasoo tagay soona booqday Jammu si uu waqti ula qaato ciidanka Hindiya madaama xidigaan aabihiis korneel ahaan jiray.

Akshay wuxuu ciidanka yiri “Waan nasiib badanahay hadii aan idinka idinla kulmay, marwalbo waxaan dhihi jiray waxaan ahay geesiga shaashada ku matalo askarinimo anigoo qori been abuur ah wato”
“Laakiin idinkaa ah geesiyaasha dhabta ah sidoo kalena qoriga rasmiga ah rasaasta ka rido naftiina dalkeena u hurtiin”

Akshay Kumar ayaa sidoo kale 9 Lakh ($13,636) ugu yaboohay ciidankii dhawaan Hindiya ka geeriyoodeen qoysaskooda kuwaas oo qarax lagula beegsaday xaruntooda Uri ku taalo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment