Ranbir Kapoor “Anushka Sharma Shumiska Aadbay U Taqaan, Qofkii Helaa Nasiib Leh”.

Bulsha:-  Jilaaga la wada jecel yahay Ranbir Kapoor wuxuu u dabaal dagayaa guusha filimkiisa Ae Dil Hai Mushkil oo gudaha Hindiya Hit ka noqday halka suuqyada caalamka uu Super Hit weyn ka noqday.

Hadaba Ranbir Kapoor xili uu ka qayb galaayay wareysi mada daalo ku dheehan oo isaga iyo Anushka Sharma ka qaaday shabakada Bollywood Hungama arimo xiiso badan ayuu daaha ka qaaday.

Waxyaabaha soo jiidashada leh ee RK laga haayo waxaa ka mid ah inuu yiri “Anushka Sharma shumiska aadbay u taqaan, waxaana jeclaan lahaa inaan marar badan shumiyo filimka Ae Dil Hai Mushkil, qofkii helaa nasiib leh!”
Ranbir Kapoor waxaa la weydiiyay inuu kala doorto Anushka Sharma iyo Aishwarya Rai Bachchan qofka shumiska ku wanaagsan (better Kisser).
Wuxuuna ku jawaabay “Aniga Aishwara Rai filimka ADHM shumis kulama wadaagin laakiin Anushka ayaan marar badan la wadaagay filimo kala duwan marka iyadaa shumis shameynta ku wacan!”
Anushka Sharma oo goobta ku sugney iyada waxay ku jawaabtay “Ranbir waa in lagu ciqaabaa jawaabta uu bixiyay!”

Waxaa la wada xasuusta in sanadkii hore filimka Bombay Velvet Ranbir iyo Anushka shumisyo waali ah ku wadaageen oo ay qaarkood gudiga filimada faaf reebaan diideen in bulshada muuqaaladaas loo gudbiyo.

Fadlan hoos kaga bogo Video-ka mada daalada u badan ee Ranbir iyo Anushka wareysi ku siiyeen Bollywood Hungama:








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment