DAAWO Muuqaal: Laki Xaaji Wacays oo si yaab leh uga hadashay Barnaamijka Somali-week ee UK iyadoo ku sheegtay Somaliland-week Iyo cida ka macaashta

Bulsha:- Fanaanada Laki Xaaji Wacays oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa si layaab leh Markii ugu Horaysay uga hadashay Arin ay sheegtay in Fanaaniinta Soomaalidu ay Ka aamuseen, Taasi oo la Xidhiidha Barnaamijka SOMALI WEEK oo dalka Ingiriiska Sanadkiiba Hal mar lagu qabto, Dawlada Ingiriiskuna ay dhaqaale badan ku siiso Fanaaiinta Soomaaliyeed.


Barnaamijka ayaa la sheegay inay si gaar ah uga macaashaan Shaqsiyaad kasoo jeeda maamulka Somaliland, Iyadoona sidoo kale Qaab aan Haboonayn u adeegsada magaca SOOMAALI WEEK, Waxayna sheegtay inay Haboon tahay in Fanaaniinta Soomaaliyeed Barnaamijkaasi lagu wada Casuumo, Hadii kale Loo bixiyo Somaliland-Week, Waxayna sidoo kale Xustay inay Arintaasi dacwad ka gudbin doonaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment