Bulsha:- Pam Krueger waa gabar ku dhiirigelisa haweenka inay keyd sameystaan sidoo kalena qaabka ugu habboon u maalgeliyaan hantidooda. Pam Krueger ayaa muddo dheer ku howlaneyd arrintaan.
Maanta ayeyna shabakadda SheKnows ku qortay maqaal ku saabsan waxa ay u baahan yihiin haweenka iskaabulada ah si ay qaabka saxda ah ugu maareeyaan lacagtooda.
Krueger guud ahaan afar qodob oo waa weyn isla markaana faa’iido badan ayey soo qaadatay. Shabakadda Filimside.net ayaana go’aansatay inay maqaalkaan iyo afartaan qodoba la wadaagto akhristeyaasheeda haweenka ah si ay uga faa’iideystaan.
Halkaan hoose waxaan kusoo qaadan doonaa afartaas qodob ee ay u baahan tahay inay sameyso haweeneey kasta oo iskaabulo ah si ay ugu guuleysato inay qaabka ugu habboon ugu maareyso lacagteeda.
Qodobka koowaad ayaa wuxuu yahay inay haweeneey kasta oo iskaabulo ah u baahan tahay qorshe labaad (Plan B) waa inay sameysato akoon ay wax ku keydsato si ay ugu badbaado marka ay qabsadaan xaalado kedis ah. Ugu yaraan keydkaas waa inay dhigtaan muddo lix bilood ah.
Qodobka labaad ayaana waxaa looga digay haweenka iskaabulada ah in aysan iska badin deymaha ay qaataan. Inay iska gudaan waxa deyn lagu leeyahay oo dhan isla markaana ay iska ilaaliyaan qaadashada deyn kale ayaana ah qodobka labaad ee ugu muhiimsan isla markaana ay ku horumarin karaan hantidooda.
Qodobka seddaxaad ayaa wuxuu ugu digayaa haweenka iskaabulada ah ee wax qarash gareeya inay lacagtooda ku bixiyaan meel ay aaminsan yihiin inay ugu yaraan ka helayaan faa’iido boqolkiiba 2 ah.
Haddii aad tahay haweeneey iskaabulo ah ka fiirso ganacsiga aad faraha la geleyso kana fikir muddo dheer.
Qodobka afaraad waa midka ugu muhiimsa, wuxuuna dhigayaa inay haweeneey kasta oo iskaabulo ah u baahan tahay qorshe koowaad (Plan A) waxaana ka mid ah ilo badan oo ka caawiya inay dhaqaalo hesho. Sidoo kale haweenka iskaabulada ah waa inay waxyaabo badan akhriyaan qoraallada laga sameeyey habka dhaqaalaha loo keydsado.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment