Daawo Layaabka: Walaasheed Ayey Ninkeeda Ka Khiyaameysay Mana Aamini Doontid Waxa Ay Sameysay Markii La Ogaaday!

Bulsha:-  Tani waa qiso dhab ah oo ka fog Khiyaali ah oo ka dhacday Qaahira Masar, George Qirdahi waa soo jeediyaha television Lubnan ee Caanka Ah, wuxuuna ku marti qaaday gabar la yiraahdo Faadumo, waxayna ka sheekeysay Duruf adag oo ay soo martay maadama ay kusoo kortay agoonimo.


Ma aysan helin meel ay ku noolaato marka laga reebo guriga  gabar uu dhalay adeerkeed oo lagu magacaabo Naadiya, taasoo aheyd gabar aad u jecel waxayna siisay hooy si ay nolosheeda xal ugu hesho.

In Badan ayey soo dhaweysay, waxayn ninkeeda uga idan qaaday inay la noolaato si sharaf iyo karaamo leh, Faadumana way ogolaatay Inay Naadiya la noolaato maadaama aysan heleyn meel kale oo ay ku noolaato waxayna aheyd gabar aad u qurux badan oo indho soo jiidasho leh, waxayna soo jiidatay oo ka helay ninkii qabay Naadiya markii ay la nooleyd muddo 3 bil ah.

Ninkii Qabay Naadiya ayaa go,aansaday inuu si hoose u guursado Nadiya wuxuuna u sheegay in naagtiisa aysan inta badan daboolin baahidiisa maadama ay tahay qof shaqeeyo maalintii oo dhan, wuxuuna Faadumo ka codsaday inuu guursado, Deg deg badan oo uu ku abuuray waxay ka ogolaatay guur dhaqameed, waxayna ku kulmi jireen qolkeeda jiifka markii ay Faadumo maalintii aado shaqada, maalin maalmaha ka mid ah ayey Naadiya dareentay daal iyo dhibaato waxayna go,aansatay inay dib ugu soo laabato guriga waxayna aragty iyagoo sariirta isla saaran wayna miir daboolantay.


Markii ay Sanado badan Kala maqnaayeen labadaan gabdhood, Faadumo ayaa George Qirdahi ka codsatay inuu Naadiya kula marti qaado barnaamijkiisa, waxayna ka codsatay inay cafiso, laakiin Nadiya ayaa diiday iyadoo ku tilmaamtay wixii ay sameysay inay aheyd qiyaano, codsi badan iyo dhibaato kadib way cafisay waxayna hadda noqdeen laba gabdhood oo walaalo ah iyagoo iska iloobay wixii horey usoo dhex maray.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment