Wax Badan Ka Ogow Nolosha Naseeruddin Shah Halyee Darajo Walbo Bollywood-ka Ka Gaaray Lana Loodin Karin Awoodiisa (+Sawiro)

Bulsha:-  Inaba caadi ma ahan maqaamka uu fanka ka gaaray ruug cadaa Naseeruddin Shah lamana soo koobi karo halyeegan xogtiisa dhanka Bollywood-ka.

Balse aqriste Feysal Mohamed Osman Gurey  ayaa marar badan naga soo codsaday halyee Naseeruddin Shah inaan wax ka iftiimo waayihiisa Bollywood-ka iyo safarka dheer ee uu fanka usoo galay.

Naseeruddin Shah magaciisa waa mid guud ahaan Hindiya oo dhan ku baahay wuxuuna ku guuleestay labada abaal marin ee ugu sareyso National Film Awards iyo Filmfare Awards min sedex jeer!!

Sidoo kalena dawlada Hindiya waxay siisay biladaha Padma Shri iyo the Padma Bhushan ee la siiyo muwaadinka Hindiya ugu darajada sareeyo madaama uu fanka siweyn u hormariyay sanihii uu ka tirsanaa.

Naseeruddin wuxuu ku dhashay magaalada Barabanki ee dalka Hindiya July 20, 1949 haatana waa 67-jir waayihiisii ugu wacnaa Bollywood-ka kusoo qaatay.

Shah Iyo Bilawgiisii Nolosha Fanka Iyo Heerarka Uu Soo Maray:

Naseeruddin wuxuu kasoo jeedaa qoys Muslim ah ee dagan magaalada Barbanki ee ka tirsan gobolka Uttar Pradesh.

Kadib waxbarashadiisii hore wuxuu Naseeruddin ka qalin jebiyay jaamacada Aligarh Muslim University sanadii 1971 sidoo kalena wuxuu usii dalacay National School of Drama ee ku yaalo magaalada Delhi si uu fanka iyo hidaha kaga barto.

Naseeruddin wuxuu nasiib u yeeshay inuu Bollywood-ka ku biiro sanadii 1975 wuxuuna sameeyay filimkii Nishant wuxuuna ku muteeestay amaan balaaran.



Wixii markaas ka dambeeyay xidigan aflaan badan oo guulo gaareen sheeko ahaana siweyn loola dhacay ayuu sameeyay waxaana ka mid ah Aakrosh, Sparsh, Mirch Masala, Albert Pinto Ko Gussa Kyon Ata Hai, Trikal, Bhavni Bhavai, Junoon, Mandi, Mohan Joshi Hazir Ho!, Ardh Satya, Katha, Jaane Bhi Do Yaaro.

Sanadii 1980 ayuu noqday atooraha Bollywood-ka ugu awooda badan weliba filimkiisii Hum Paanch ayuu maqaam sare ku gaaray.

Naseeruddin ayaa Bollywood-ka ka yaabsaday in door walbo ee xidigan loo dhiibo inuu siweyn uga soo dhalaalo sidaa darteed wuxuu noqday atoore ay dhamaan filim sameeyayaasha kala duwan la shaqeeyaan.




Wixii markaas ka dambeeyay aflaan badan oo Classic ayuu sameeyay waxaana ka mid ah Karma (1986), Ijaazat (1987), Jalwa (1988), Hero Hiralal (1988), Ghulami (1985), Tridev (1989), Vishwatma (1992), Mohra (1994), Sarfarosh (1999), The League of Extraordinary Gentlemen (2003),  Iqbal (2005), A Wednesday (2008), Ishqiya (2010), The Dirty Picture (2011)iyo kuwo kale.




Weliba filimkii Pakistani-ga ahaa ee uu sameeyay Zinda Bhaag wuxuu noqday filim caalami ah kaasi oo dalka Pakistan u matalay Oscar-ka Hollywood-ka sanadii 2013!

Naseeruddin Iyo Filimada Uu Director Ka Noqday

Halyeegan waa mid hal abuurkiisa aad u sareeyo wuxuuna marar badan sameeyay ruwaayado kala duwan oo xambaarsan fariimo kala duwan.

Sidoo kalena sanadii 2006 ayuu sameeyay filimkii Yun Hota To Kya Hota ee uu Director ka ahaa waxaana jileen shaqsiyaad Bollywood-ka caan ka ah sida Konkona Sen Sharma, Paresh Rawal, Irfan Khan, Ayesha Takia sidoo kalena wiilkiisa Imaad Shad ayaa filimkan wax ka jilay.


Shad wuxuu guursaday gabadha lagu magacaabo Manara Sikri asigoo 20-jir ah waxayna u dhashay gabar lagu magacaabo Heeba Shah haatana waa atirisho.

Balse nasiib xumo horaantii 80-kii ayay labadan lamaane kala tageen waxayna Manara Sikri iyo gabadheeda Heeba Shah u guureen dalka Iran.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment