Bulsha:- Haweeneey ayaa qiratay inay galmo la sameysay EEY, waxayna haatan sugi doontaa xukun maxkamadeed oo xabsi ah, si kastaba ha ahaatee, waxay u badan tahay keliya inay ciqaabteedu noqon doonto xabsi guri, sidoo kalena lagu qasbi doono inay qabato howlaha guud ee bulshada.
Gabadhaan oo u dhalatay dalka Australia ayaa waxaa lagu magacaabaa Jenna Louis Driscoll, waana 27 sanno jir ah, waxaana lagu helay dembigaan ah inay galmo la sameysay EEY, waxaana la aaminsan yahay inay xilligaas cabsaneyd, maxkamadda Brisbane District Court ayaana kiiskeeda eegtay bishii August ee sannadkaan.
Maxkamadda Brisbane District Court ayaana dhowaan go’aan rasmi ah kasoo saari doonta kiiskeeda, waxaana xusid mudan inay ku tilmaantay maxkamaddu tallaabada ay qaaday gabadhaan mid kasoo horjeeda dhaqanka dabiiciga ah.
Boliiska ayaa helay muuqaalka Jenna Louis Driscoll oo galmo la sameyneysa EEY sannadkii 2014kii ayaana muuqaalkaas la duubay, waxaana lagu tilmaamay tallaabada ay qaaday gabadhaan mid aan loo dulqaadan karin isla markaana dhaqan xumo ah. EEYGAAS lama magac dhabin sidoo kale lama yaqaano cidda iska leh.
Qareenka difaacaya gabadhaan James Godbolt ayaa sheegay inay Driscoll galmo ula sameysay EEYGAAN maadaama uu codsigaasi ka yimid seygeedii hore kaasoo gabadhaan ku xujeeyey inay galmo la sameyso EEYGAAS si ay isugu laabtaan, wuxuuna ninkaas ku tilmaamay mid ceebeeyey gabadhaan.
Waxaa ugu weyn ee laga cabsida qabo ayaa ah inay Driscoll cudur halis ah ka qaaday galmada ay la sameysay EEYGAAS sidaas darteed ay bulshada ku faafin karto waxaana ay haatan sugeysaa xabsi guri muddo dheer ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment