Bulsha:- Atariishada saameynta ku leh Bollywood Alia Bhatt ayaa daaha ka qaaday inay garaneyso sida loo xalliyo dhibaatada markasta kusoo noqnoqota ee ku aadan niyadjabka ay ka qaado shaqadeeda.
Alia Bhatt ayaa waxay daaha ka qaaday inay caado u laheyd tan iyo yaraanteedii inay ku caajisto shaqada, waxayna heshay xal macquul ah, waana inay ka nasato shaqada si ay markale ugu soo xiisto, inkastoo aysan mararka qaar u joogsan dalkaas shaqo ee hareeya.
“Anigoo 16 sanno jir ah ayaan xusuustaa inaan bilaabay inaan ku daalo shaqada. Waan yaraa markaas. Asxaabteyda ayaa isku deyey inay daalkaan iga saaraan. Maanta waxaa laga yaabaa inaan aado fasax ama aan diiradda saaro shaqadeyda, si aan meesha uga saaro caajiskaan shaqo,” ayey tiri 23 sanno jirtaan Alia Bhatt.
Dhanka shaqada, Alia waxaa 25ka bishaan November tiyaatarrada la saari doonaa filimka Dear Zindagi oo ay kula jirto xiddigo ay ka mid yihiin Shah Rukh Khan, Kunal Kapoor, Aditya Roy Kapur, Angad Bedi iyo Ali Zafar. Gabadha lagu magacaabo Gauri Shinde ayaana director ka ah filimkaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment