Bulsha:- Daraasad ay sameyeen quburo caalami ah ayaa lagu sheegay in dadka isticmaalo walxaha maandooriya ay kusoo badanayaan dalka Jordan oo ah dal carbeed, waxaana daraasada lagu sheegay in dalkaasi Jordan maandooriye yaasha ay raqiis ka yihiin marka loo fiiriyo dowladaha kale ee jaarka la ah.
Bayaankaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in 21% dadka u dhashay dalka Jordan ay isticmaalaan maandooriye yaal kala duwan, iyada oo inta badan dadka reer Urdun ay isticmaalaan maadada loo yaqaan Jookar taasoo laga sameeyo Xashiish ka, waxaana loogaaga soo dhoofiyaa maadadaas dalka Chine (Shiinaha).
Sidoo kale bayaankaan ayaa lagu sheegay in ardayda dhigata jaamacadaha ku yaala dalkaasi ay si waali ah u isticmaalaan badankood waxa ay ku isticmaalaan Hostel da (Guryaha Jaamacadda) ay u kireysay ayey ku isticmaalaan waxaana usoo gudbiyo waardiye yaasha.
Arinta ugu yaabka badan ee ka jirta halkaas ayaa ah in hablaha dhalinta yar ee ku dool dalkaasi ay jirkooda siistaan si ay u helaan maandooriye yaasha ayaa lagu shaaciyey maqaalkaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment