Bulsha:- Gabar aad u qurux badnayd ayaa waxaa soo doontay shalay ma ahee dorraad wiil xariif ahaa oo lacag yar watay.
Wiilkii waxaa uu keensaday odayaashiisa…. wadahadal iyo kaftan kadib gabadhii waxaa la siiyey wiilkii guurdoonka ahaa, waxaana dhacay meherkii..alalaas baa xigay.
Odayaashii oo u fadhiya qaadashada lacagtii sooryada, ayaa wiilkii intuu dhinacyada fiiriyey dabadeedna iska dhigay sidii ruux naxay oo kale kuyeh Wallaahi waan soo hilmaamay lacagtii sooryada.. oo dabadeedna cararay.. saa gabadhii ayaa la yiri maxaa ka si ah ninka? kuteh anaa idinka aqaaanoo ma aha beenloow ee ninka waa wareeray.
Wiilka ayaa horey uga dhaadhiciyay gabadha in hantida uu siin lahaa odayaasha uu ugu iibin doono dahab !

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment