Bulsha:- Filimka Mirzya oo jimcadaan tiyaatarada laga daawan doono waxaa hogaamiyaal ka ah labo Bollywood-ka ku cusub wiilka Anil Kapoor ee lagu magacaabo Harshdavan Kapoor iyo atirishada iyadana fanka ku cusub Saiyami Kher.
Filimka Mirzya waxaa Director ka ah Rakesh Mehra oo horey u sameeyay filimo Classic ah oo sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan siweyn u hirgaleen Rang De Basanti iyo Bhaag Malikha Bhaag.
Filimka Mirzya Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay:
Waxaa si hordhac ah loo sheegay in Mirzya lagu qarash gareeyay 46 Crore oo isugu jirto 36 Crore lacagaha filimkaan lagu sameeyay io 10 Crore oo suuq geyn loogu sameeyay.
Mirzya Iyo Tiyaatarada Laga Daawan Doono:
Waxaa la filaa in Mirzya la saaro 1900 tiyaatar gudaha Hindiya, inta badana Waqooyiga Hindiya ayay tiyaatarada ku yaalo ayaa filimkaan laga daawan doonaa madaama sheekadiisa qaybiisa qeybo ka mid ah laga soo min guuriyay sheekada jaceylka ah Mirzya Sahibaan ee Waqooyiga Hindiya siweyn looga jecel yahay.
Filimka Mirzya Iyo Sida Uu Hit Ku Noqon Karo:
Filimka Mirzya wuxuu filim bad baaday (Average) noqon karaa marka uu gudaha Hindiya kasoo xareeyo 62 Crore.
Sidoo kale Hit dhameestiran wuxuu noqon kara marka uu gudaha Hindiya kasoo xareeyo lacago u dhaxeeyo 65 Crore ilaa 70 Crore, halka uu Super Hit noqon karo marka uu soo xareeyo 105 Crore.
Filimka Mirzya Rajada Laga Qabo Iyo Sida Uu Ku Furmi Karo:
Mirzya jilaayaal fanka ku cusub ayaa hogaamiyaal ka ah sidoo kalena goos gooskiisa saameyn xoogan lama imaanin dadka wey fahmi waayeen fariintiisa qaabka loo dhigay.
Waxaa intaas sii dheer in heeso hirgalay uusan laheyn suuq geyn balaarana loo sameyn sidaa darteed Waqooyiga Hindiya ayuu ka gadmi doonaa.
Halka maalinta kowaad uu ku furmi doono meesha ugu wanaagsan 20% hadii sheekadiisa laga helo waa macquul inuu sare u kac sameeyo laakiin ma ahan filim fagta hore dadka soo jiidan karo oo Boxoffice-ka maalinta kowaad wacdaro ka dhigi karo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment