Sheeko Dumar: Walax duxaaya ku dadaal, deynba halugugu yeeshee !

Bulsha:- Waxa ay ku bilaabatay sidatan :

Waxa uu ku yiri, waad qurxoon tahay
Waxa ay ku tiri, waxaan dareensanahay inaadan wax arag!

Waxa uu yiri, waa sidee?

Waxa ay ku tiri, adigu ma aragtid wax aad doorbidid mooyee

Waxa uu yiri, sidee ku garatay waxa aan doonayo?

Waxa ay ku tiri, waxa aan gartay inaad tahay nin Soomaali ah

Waxa uu yiri, ninka Soomaaliga ah ma wax gaar ah oo lagu liido ayaa jira?

Waxa ay ku tiri, Haa, dooqiisa xulashada dumarka waa mid ku saleysan qaab dhismeedka iyo soo jiidashada jirkeeda

Waxa uu yiri, ma wax lala yaabaa arrinkaasi , quruxeey?

Waxa ay ku tiri, waxaa haboon inaad baadi doon u gashid diinteeda, anshaxeeda, dhaqan wanaageeda, qoys uruurinteeda, talo samideeda iyo nasabkeeda si aad ugu saldhigtaan guri ku dhisan jaceyl, farxad iyo niyadsami.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment