Bulsha:- Bollywood Dream Girl Hema Malini ayaa iska fogeesay inay taageersan tahay jilaayaasha reer Pakistan sidoo kalena kasoo horjeedo go’aanka gudaha Hindiya looga mamnuucayo.
Hema Malini waa xil dhibaanad aqalka sare ee Hindiya u matasho xisbiga BJP ayaa sheegtay in hadalkii dhawaan kasii yeeray si qaldan saxaafada loogu gudbiyay sidoo kalena ay si toos ah u kala cadeesay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Pakistan iyo Hindiya ka dhex taagan.
Hema Malini waxay tiri “Waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho 100% waxaan garab taaganahay askarteena (Jawans) kuwaas u dagaalamayaan naftoodana u hurayaan dalkeena, mana taageersani jilaayaasha reer Pakistan ee gudaha Hindiya ka shaqeesanayaan”
Hema Malini oo 67-jir ah waxay taageertay go’aankii dhawaan ciidamada Hindiya ku duqooyeen xarumaha Pakistan ku leeyihiin xuduuda labada dal u dhaxeyso waxayna tiri “Ciidadameeda shaqo weyn ayay qabteen waana ku taageersanahay weerarkii cirka oo ay qaadeen, waana qasab in wadanka oo dhan inuu talabadaan taageero”

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment