Waxyabahaan Waxey Keenaan In Naagta Aay Iska Furto Ninkeeda ama aay U Nacdo Si Xun Hadaba Maxa Lagu Xalin Karaa..!!

Bulsha:- Gabadha muslimada ah waxaan horay u sheegnay inay isku daydo inay hanato maskaxda iyo qalbiga Ninkeeda, sidaasi si la mid ah ayaa loo baahanyahay inay ugu fakarto mustaqbalka iyo qaabka ay u socoto nolosheeda.

Sidaas darteed gabadha waa inay eegtaa qodobadaan, marka horena isku daydaa inay ninkeeda ka baabi’iso ama ka joojiso, hadii ay aragto inuusan iska deyneyn, rajana laga qabin inuu iska dhaafo, waa inay qaadataa go’aan kama danbeys ah ee yeysan u fiirin wax kale noocay doonto ha ahaadaane, Aqristow ma ahan inaad ka quusatid lamaankaaga ee isku day inta aad ka ogaaneysid in uusan wax rajo ah lahey.

Waa kuwan qodobadi oo kooban.

1) Bakheyl nimada ninka, isaga oo wax heysta.

2) Shakiga faraha badan, iyo muujinta kalsooni la’aanta.

3) Danbi badnaata iyo nadaafad xumida ninka.

4) Dan ka gelinta la’aanta rabbeynta ilmaha iyo maqnaashaha aan dani ku jirin.

5) Dabeecad xumida ama ixtiraam la’aanta iyo degdeg wax u dalbasho uu doonayo in wax kasta daqiiqad loogu qabto.

6) Isticmaalid la’aanta ereyo macaan iyo hadiyad la’aanta iyadoo ay wehliso xanaaq fara badan ee xaaska, ilmaha iyo qaraabada.

7) Ku samrid la’aanta haday xanuunsantahay xaaskiisa iyo daaweyn la’aanta xaaskiisa marka ay timaado xaalad caafimaad darro.

8) Damacsanaanta in uu furo xaaskiisa iyo u dulqaadasho la’aanta marka ay xaasku khalad gasho.

9) La caweynta dhalinyarada banaanka guriga iyo ka daahida xaaskiisa.

10) Mukhaadaraadka sida: sigaarka, khaadka, Khamriga IWM.

11) Dareen xumada uusan fahmi Karin waxa gurigiisa ka jira, daawashada TV,  ku jirida Fcebook, intaas oo uu ku dhuminaya waqti aan caqli gal aheyn, ayna ka dhalaneyso in xuquuqdii guriga loogu lahaa ay meesha ka baxdo.

12) Sameysashada xiriiro kale ee dumar oo aysan la socan.

13) Shaqa la’aanta, Deen lagu yeesho iyo dhib kale oo uusan dan ka laheyn, diyaarna uusan u aheyn inuu xaliyo.

14) Ninka oo aan xaaskiisa gogosha ku qancin Karin ama inuu ka sheekeeyo isaga iyo waxa lamaanehiisa dhex maray.

15) La tashashada dad aan wanaagsaneyn iyo ku xirnaantooda.

16) Amaano la’aan iyo qiyaameynta xaaskiisa ama damaaciga hantida gabadha.

17) Ka fakarid la’aanta mustaqbalka caruurtiisa.

18) Ilaalin la’aanta gabadha dareenkeeda sida falagaadada, hadal xun oo joogto ah, kaftan qaab daran.

19) Ninka oo xabsi ku jira waqti dheer rajana aan laga qabin.

20)Dhalid la’aanta.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment