Wax Badan Ka Barro Dhowr Cunto Hergabka U fiican Lana Xaqiijiyay Iney Daawo U Yihiin Hergabka Iyo Madax Xanuunka.

Bulsha:- Maraqa laga sameyo doorada/digaaga ayaa u roon hargab marku kugu dhaco. Aqoon baaris ayaa sheegeysa in maraqa digaaga oo kulul uu hormariyo waxtarka timaha sanka ku yaal ‘cilia’, kuwaaso ka ilaaliya in bakteeriyada iyo virus inaad qaadid.

Toon ‘Garlic’

Hadey kaa heyso inaa cuntid toon, waxa ku darsan karta maraqa ama cuntada kale aad sameysatid in fiican. Toonta ayaa nafis jirkaga ka helaa hargabka.

Sanjabiil ‘Ginger’

Calaal xanuun? lalabo? Sanjabiisha ayaa ah daawo guri taasoo had iyo goor ka jabisa xanuunada yaryar. Daraasad ayaa sheegeysa in uu dajiyo huritaanka jirka uu ku sameeyo hargabka isla markana qandhada ka dajiyo.

Shaah Kuleel ‘Hot Tea’

Shaaha cagaarka aha ama kan madow rinjiga ah ayaa ka dajiya xanuunka iyo cuncunka dhuunta. Ku darso qaando malab ah iyo liindhanan.

Moos ‘Banana’

Mooska ayaa caloosha u fiican, caloosho socotana hargabka ayey ka dadajisaa waliba caruurta. Sidoo kale mooska ayaa u fiican lalabada, mataga, iyo calool qushqushka.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment