Qalbigaaga ayay badali doontaa qisadan cajiibka ah

Bulsha:- Qisadani waa mid ka mid ah qisooyinka ugu yaabka iyo dareenka badan ee qof walboo Muslim ah damiirkiisa kicin doonta marka uu aqriyo..
Waxa uu ahaa macalin dugsi, sida caadada ahna hadafkiisu waa in uu caruurta yar yar qur’aanka iyo adaabta islaamka baro, si kastaba waxaa badanaa dhacda hadii caruurtu aysan waxba soo xifdin ama waajibkii loo diray aysan kasoo bixin, in ay dil iyo xanuujin kala kulmaan macalimiinta dugsiyada (malcaamadaha) .

Maalinbaa inta badan ardeydii waxa ay noqdeen kuwa ciyaar iyo qosol ku dhex camirta dugsiga, balse macalinkii ayaa ugu soo galay ayagoo oris iyo caweys bartanka kaga jira.

Macalinkii oo xanaaqay ayaa durbadiiba go’aansaday in uu saf ka maro dhamaan ardeyda si uu u garaaco, isagoo ula jeeday edbin iyo asluub baris, balse markii uu ardeydii badankooda saf kasoo maray, ayaa waxa lasoo gaaray wiil yar oo maskiin ahaa kaasoo aan ka mid aheyn caruurta ciyaareysay.
Macalinkii ayaa yiri gacanta taag, isagoo doonayay in uu garaaco cunuga yar.
Wiilkii ayaase yiri: Ma soo bixinayo gacanteyda.!
Macalinkii ayaa sii xanaaqay waxa uuna ku celiyay: Masoo bixineysid miyaa gacantaada.?

Wiilkii ayaa yiri: Ima garaaci doontid..!
Macalinkii oo caradu kusii badatay ayaa yiri: oo maxaan kuu garaaci waayay, soo bixi gacantaada si dhaqso ah
Wiilkii ayaa markale yiri: Maba awoodid in aad i garaacdo, hadaa dooneysid isku day
Macalinkii oo yaaban ayaa dib u durkay, waxa uuna yiri: oo maxaanan u awoodi karin garaacistaada?

Wiilkii ayaa si deggan ugu jawaabay: Ma maqlin miyaa xadiiska Rasuulkeenu scw uu leeyahay, qofkii salaadda Subax Jameeco ama masaajid ku dukada waxa uu ahaaday maganta alle, alle ayaana xifdinayaa, sidaas darteed magan alle ayaan ahay, danbi aad igu dishana ma aanan sameynin, sidaas ayaadan u awoodin in aad i garaacdo.!

Macalinkii ayaa durbadiiba qushuuc iyo qoomameyn la dhacay, waxa uuna go’aansaday in uu wiilka yar aabihiis u yeero, isagoo doonayay in uu si gooni ah ula hadlo una hambalyeeyo tarbiyada wanaagsan ee uu wiilkiisa ku abaabiyay.

Si kastaba aabihii wiilka dhalay markii uu yimid, ayaa dhamaan dadkii dugsiga joogay yaabeen, maxaa yeelay aabuhu maba uusan aheyn qof astaan wanaag ahi ka muuqato, wiilkii yaraa ayaana la weydiiyay: Ninkani aabahaa miyaa?
Haa ayuu ku jawaabay, balse salaada nalama dukato.!

Qisadii macalinka iyo wiilka dhex martay ayaana aabihii looga sheekeeyay, kadibna sidaas ayey sabab ugu noqotay in aabahaas oo markii hore aan toosneyn in ilaahey soo hadeeyo,
Macalinkiina sidaas ayuu ku bedelay dilkii iyo cunfigii caruurta uu kula dhaqmi jiray, isagoo bilaabay kala saarista qofkii danbi gala iyo qofka aan gelin.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment